Lionel Messi Oo Bilaabay Dhaqankii Soo Jirenka Ahaa Ee Lagu Yaqaanay Mar Walba Oo Uu Cristiano Ronaldo Hanto Abaalmarinta Ballon d’Or

Waxey u muuqataa arin dhaqan ah, mar walba oo uu Cristiano Ronaldo ku guuleysto Abaalmarinta Ballon d’Or, hogaamiyaha Argentina Lionel Messi ayaa durba bilaaba bandhig uu ugu qalmo in durba loo sii calaamo saaro abaalmarinta xigta, inkastoo wax walba lagu qiimeeyo koobabka ay ku guuleystaan labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid hadana Messi waxey u muuqataa inuu jawaab qayaxan bixiyay.

Wey cadahay in labadaan ciyaartoy ay yahiin kuwa ugu wanaagsan dunida, si marka loo dhahana ay yahiin kuwa ugu sareeya maqaam ahaan, waxaase meesha ka baxaya hadal heyntii aheyd iney ku jiraan waqtigii ay booska u firaaqeyn lahaayeen jiilka kusoo xiga.

Dhanka kale labada ciyaartoy haatan waa kuwa isku dhaw dhanka abaalmarinada madama uu Ronaldo heysto 4 halka Messi uu heysto 5.

Comments

comments