Booliska Dalka Jarmalka Oo Gacanta Kusoo Dhigay Daawooyin Loo Ekeysiiyay Calaamadda Barcelona

Booliska magaalada Cologne ee dalka Jarmalka ayaa gacanta kusoo dhigay boqolaal daawooyinka Afka laga qaato ah [Kaniiniyaal] oo loo ekeysiiyay calaamadda kooxda Barcelona.

Kaniniyaashaan aan la sheegin xanuunka ay daawada u yahiin ayaa la siiyay midabka {Buniga} waxaana si toos ah loogu ekeysiiyay calaamadda kooxda Camp Nou ka dhisan si suuq geyn loogu helo sidoo kale waxaa jirta in la helay kaniiniyaal sidoo kale lagu sawiray calaamadda shirkadda gawaarida Porcshe ee laga leeyahay dalka talyaaniga.

Xafiiska Baaritaanka Canshuurkaadka ayaana baaraya arintaan si ay u ogaadaan xaqiiqada rasmiga ah ee ka dambeysa in la isticmaalo calaamadahaan.

Horaantii sanadkaan dhamaadka ah ayey quburo dhanka daawada ah ay shaaciyeen in daawooyin badan loo adeegsaday in loo ekeysiiyo waxyaabaha ay jecel yahiin caruurta sida: Darth Vader, R2D2, Mickey Mouse.

Dhanka kale khabiir dhanka daawada ah oo la hadlay Express ayaa shaaciyay ineysan wax sharci aheen ka shirkad ahaan in la adeegsado calaamad xuquuqdiisa ay leedahay qof kale si suuqgeyn loogu isticmaalo.

Comments

comments