Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), ayaa Shalay daah-furay shirweynaha garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE, kaas oo si rasmi ah uga furmay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta.

Munaasibadda ayaa Maalinteedii Labaad Gashay iyadoo daah-furka shirweynaha garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE, ayaa waxa ka qaybgalay, madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada, xildhibaanno, Guddoomiyaha KULMIYEE, ahna Murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ku-xigeennadiisa, hoggaanka garabka dhallinyarada ee heer qaran iyo heer degmo, haween, marti-sharaf kale iyo ku dhawaad 1500 ergay oo ka mid ah dhallinyarada xisbiga ee ka qaybgalaya shirka oo isaga kala yimi gobollada oo dalka.

Comments

comments