Madaxwaynaha Somaliland Oo Kormeeray Cisbitaalka Wayn Ee Hargeysa + Sawirro.

Date:

Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo ay wehelinayaa xubno golaha wasiirada ka mid ah ayaa maanta kormeer ku soo maray cusbitaalka guud ee Hargeysa.

This slideshow requires JavaScript.

Waxaanu madaxweynuhu mid mid u soo maray waadhadhka jiifka ee bukaanku yaalo, isaga oo madaxweynuhu ugu horeeyey qabta caruurta oo ay warbixin ka siiyeen agaasimaha guud ee Cusbitaalka, wasiirka Caafimaadka iyo xubno ka mida hawladeena dhakhtarku.

Sidoo kale waxa madaxweynaha la tusay muuqaalka guud ee qorshaha dhisme loogu talogalay hadii eebbe qadaro inuu cusbitaalka loo dhiso oo nashqadiisa iyo qaabka uu u eekaandoono ay madaxweynaha sharaxaad ka siiyeen Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye).

Madaxweynaha oo ku guda jira kormeerkiisa shaqo ee uu ugu kuurgelaayo xaalada caafimaad ee ay ku sugan yihiin shacbiga u jiifa dhakharka weyn xanuunada kala duwan, ayaa dhagax dhigay 60 qol oo loogu talogalay in la seexiyo, bukaan socodka oo ay wakhtigan ku qaadato, inay maalmo sugaan in loo baneeyo qolalka ay degaan

Waxa isna xadhiga uu ka jaray madaxweynuhu mishiino casri ah oo dhawaan la keenay cusbitaalka kuwaasi oo ah  (X-RAY-CT scan), Mishiinka Kelyaha sifeeya oo ka kooban 7 mishiin wakhtigaasina ay shaqadu ka socotay oo ay jiifeen dad dhawra oo loo sifaynaayey kelyaha, oo sida ay sheegeen dadkaasi todobaadkiiba mar ay soo maraan mishiinadan laguna sifeeyo, halka hawladeenada ka shaqeeyaana ay yihiin muwaadiniin dalka gudiisa loogu tababaray iyo kuwo dibeda wax ku soo bartayba.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu dhagax dhigay dhismaha xarun cusub oo loo dhisaayo gargaarka degdega ah kana casri sanaan doona xaruntii hore loogu shaqayn jiray, ka dibna waxa uu madaxweynuhu ku soo noqday xafiiskiisa isaga oo madaxweynuhu lug ku tegay cusbitalka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...