Somaliland: Wasiir Xukuumadda Ka Tirsanaan Jiray Oo Su’aallo Taban Ka Keennay Casharradii Macalinkiisu Baray, Afxumana Ula Badheedhay Cimrigiisa

Date:

“Madaxweynuhu Nin Weyn Inuu Yahay  Waynu Ognahay,  Inuu Shaqadii Siyaasaddeed Ka Fadhiistayna Waa La Ogyahay, Halkaana Waxbaa Jira….”   Xuseen Axmed Caydiid

Wasiirkii hore ee wasaaradda Caddaaladda Somaliland Md.Xuseen Axmed Caydiid, ayaa shaki geliyey caafimaadka madaxweynaha qaranka Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxana uu tilmaamay inaanu madaxweynuhu ahayn sidii uu ahaan jirey ee uu u shaqayn jirey.

Ex. Wasiir Caydiid oo u warramay shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews, ayaa sidoo kale isku tilmaamay siyaasi madaxweynaha agtiisa aan lagu arki jirin, waxana uu sheegay inaanu kamid ahayn gacan-yarayaasha madaxweynuhu leeyahay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“anigu wasiir baan soo ahaayoo madaxweynaha gacan-yare umaan ahayn, wasiir madaxtooyona maan ahayne wasiir  xaruntiisu ay madaxtooyada ka baxsan tahay baan ahaa, ragga u badan madaxtooyada ee habeen iyo maalin fadhiyana maan ahaan jirine nin shaqadiisa ku maqan baan ahaa oo waa la iga xog ogaalsan yahay.”

Xuseen Axmed Caydiid, waxa si cad u sheegay inuu madaxweynuhu safarro  caafimaadkiisa la xidhiidha uu dibadda ugu baxo, isla-markaana da’diisu weynaatay, taasina hoos u dhigto shaqadii badnayd ee uu caanka ku ahaa xilligii uu hoggaaminta dalka halganka ugu jirey,“Madaxweynuhu inuu in badan caafimaad iyo wax u bax-baxo waanu ognahay, nin  weyn inuu yahayna waynu ognahay inuu shaqadii siyaasadeed ka fadhiistayna waa la ogyahay, halkaana waxbaa jira, inaanu Siilaanyo ahayn sidii markii ee uu mucaarid ahaa ee uu talada kusoo socday ahaan jirey”ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid.

Dhinaca kale waxa uu Xuseen Axmed Caydiid dhaliilo u jeediyey murrashaxnimada Faysal Cali-waraabe, waxana uu xusay inay tahay wax cid gaar ah loogu shaqaynayo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Murashaxnimada Faysal Cali-waraabe waa qandaraas meel kale ka socda, qofkuna inuu is qiimeeyo weeye, qofka laba goor umaddu cod siin weyday ee meel gaadhi waayey inuu taagnaado go’aan saliim ah uma arko, laakiin cid bay ugu badinaysaayoo ciddaas ay ugu badinayso uun baa loogu adeegayaa sidan.”

Ex. Wasiir Xuseen Axmed Caydiid oo ay muddo dheer madaxweyne Siilaanyo Saaxiibo dhaw soo ahaayeen, isla-markaana kamid ah ragga uu madaxweynuhu saaxadda siyaasadda soo geliyey, ayaa noqonaya siyaasigii ugu horreeyey ee wax ka sheega caafimaadka iyo cimriga madaxweynaha, waxana ay taasi muujinaysaa sida uu meesha uga saaray abaalkii hore  iyo tacabkii uu madaxweynuhu geliyey.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...