Somaliland: “Haddii Aan KULMIYE ka Baxo, Toos Baan u La Shaqeynayaa WADDANI.”.Badhasaabka Awdal Mustafe Shiine

Date:

Badhasaabka gobalka Awdal Md.Mustafe Shiine, ayaa sheegay in maalinta uu ka tago Xisbiga KULMIYE ee uu ka tiran yahay uu toos ula shaqeyn doono Xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana aanu qarin doonin taageeraddiisa iyo la shaqeyntiisa Xisbigaasi.

Md.Mustafe Shiine oo inta badan lagu xanto in uu yahay siyaasi aan hal-adeyg lahayn, ayaa hadalkan ku sheegay waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu Hargeysa ku siiyey Talefeeshanka somalinews, waxaana uu hadalkiisu u dhignaa sidan.
“Haddii aan KULMIYE ka baxo, hoos u lama shaqeynaayo WADDANI ee toos baan u la shaqeynayaa.”.Ayuu ku yidhi Mustafe Shiine.

Hadalkan Mustafe Shiine, ayaa u muuqda mid muujinaaya in ay soo yaraanayso kalsooniddii badnayd ee uu ku qabay Xisbiga KULMIYE isla mar ahaantaana uu muddooyinkii dambe ka waayey tix-gelin iyo weji furnaan uu hore uga bartay Kaadiriyiinta Xisbiga KULMIYE, waxaana sababtan loo aanaynayaa ka dib markii horraantii sannadkan uu Mustafe Shiine magaalada Ceerigaabo ee Gobalka Sanaag uu gayn kari waayey guddoomiyaha Xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...