Somaliland: Masuuliyiin Xilal ka Hayay WADDANI oo Is-Casilay Xisbigana ka Baxay

Masuuliyiin Xilal ka hayay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI iyo siyaasiyiin ka tirsanaa golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI, ayaa iska casilay xilkii ay xisbiga ka hayeen iyo xubinnimadii golaha dhexe isla markaana ku dhawaaqay in ay guud ahaanba ka bexeen Xisbiga WADDANI.

siyaasi Keyse Jiinje oo ka mida ahaa xubnaha golaha dhexe ee xisbiga WADDANI ee gobolka Togdheer iyo Marwo Rooda Cabdi Muuse.xughayaha ciyaaraha ee xisbiga WADDANI ayaa shaaca ka qaaday inay gabi ahaanba iska casileen xubinimadii iyo xilalkii ay ka hayeen xisbigaasi.
Xoghayihii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xisbiga WADDANI Rooda Cabdi Muuse oo ka mid ahayd aasaasayaashii Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa shir Jaraa-id oo ay shalay ku qabatay caasimadda Somaliland ee Hargeysa ku sheegtay in ay iska casishay xilkii ay xisbiga WADDANI ka haysay isla markaana guud ahaanba ka baxday xisbiga WADDANI.

Iscasilaadeeda iyo ka bixidda Xsibiga WADDANI ayay ku sababaysay in ay ka dhalatay caddaalad darro xisbiga ka dhex jirta iyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo ay ku eedeaysay in uu qo kastaba gacanta u dhiibayo oo uu aanu jirin mab’da xisbi oo wax lagu dooranayo iyo hannaan xisbi oo lagu socdaa.

“Xilkan aan iska casilay iyo ka bixitaanka aan guud ahaanba ka baxay xisbiga WADDANI waxaann doonayaa in aan u caddeeyo bulshada reer Somaliland waxa igu kalifay anigoo xilka Xoghayaha dhalinyarada Xisbiga WADDANI soo hayay muddo afar sano iyo badh ah isla markaana ka mid ahaa aasaasayaasha Xisbiga waxaan uga tegay ee aan ka arkay waxay tahay caddaalad darro ku gedaaman Xisbiga iyo kooxo dillaaliin ah oo guddoomiye Cirro mid walba gacanta u dhiibay iyadoo aanay jirin mabda Xisbi iyo qorshe cad oo lagu socdaa laakiin ay tahay oo kaliya yaa badan taasoo caddaalad darro ku ah dadka kale,waxaa kale oo aan arkay Xisbiga u caddaalad samayn kari waayay gobolka Awdal waxaa muuqata in aanu u caddaalad samayn karayn gobolada kale ee dalka oo dhan markaa taas,ayaan sii eegan kari waayay oo aan bulshadana ugu yeedhi kari waayay,waxaanan halkan ka caddaynayaa in aan maata(shalay) laga bilaabo xilkii iyo xubinnimadii Xisbiga WADDANI-ba aan iska casilay.”

Dhinaca kale Siyaasi Keyse Jiinje oo ka mid ahaa xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI oo shir warbaahinta ugu qabtay magaalada Burco ayaa ku gaabsaday in uu iska casilay xubinnimadii golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI isla markaana Xisbiga ka baxay waxaanu si kooban u yidhi.“waxaan qaatay go’aan waxaanan iska casiley xubinimadeydii golaha dhexe ee xisbiga WADDANI, cid aan ceeb ka sheeganayo oo xisbiga WADDANI ahina ma jirto”

Maaha siyaasiyiintii ugu horreeyay ee ka baxa Xisbiga WADDANI laga soo bilaabo markii uu Hargeysa ku qabsaday shirkiisii Golaha dhexe iyadoo khilaaf weyni Xisbiga WADDANI ka dhex curtay markii uu doortay musharrixiinta jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka uga qayb gelay doorashada u muddaysan bisha sadexaad ee sanadka dambi in ay ka qabsoonto Somaliland.

Comments

comments