Somaliland: Xisbiga Waddani Oo Ku Dhawaaqay Inay Ka Baxeen Heshiiskii Axsaabta, Si Adag U Dhalliilay Qaabkii Golaha Wakiilladu U Buriyeen, Xukuumadda Ku Eedeeyey Inay Ka Dambeysay

Date:

“Waxa Muuqata Xukuumadda Kulmiye Ee Madaxweyneheedii Saxeexay Iyo Xisbigeedii Oo Uu Goob Joog U Ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu Inay Si Indho La’aan Ah Heshiiskii U Buriyeen…”-Xirsi

Hargeysa, 19 August, 2019 (Himilo)-Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa shalay ku dhawaaqay inuu ka baxay heshiiskii saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland dhawaan ka gaadheen khilaafkii muddada dheer u dhexeeyey ee sababta u ahaa dib u dhaca doorashooyinkii.

Fadhigii Golaha Wakiillada ee shalay ayaa La-taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiilladu uu Mudanayaasha Golaha u sheegay in mooshinkaasi aannu waafaqsanayn xeer-hoosaadka golaha, sidaa darteedna uu sharci ahaan buray, Isagoo jawaabtiisa sharci ka hor akhriyey Golaha, kadibna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa ku dhawaaqay in mooshinkaasi uu buray, isla markaana uu xidhmay kal-fadhigii 40-aad ee Goluhu, sidaa darteedna ay mudanayaasha goluhu galaan fasax dhan 45 maalmood.

Haddaba, Xisbiyada ayaa isla shalay tallaabadaasi ka dareen celiyey, laakiinse Xisbiga Waddani ayaa mar kale ku dhawaaqay go’aan uu ka qaatay arrintaasi.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa shalay Warbaahinta uga warramay go’aanka Xisbiga oo ah inuu ka baxay heshiiskii saddexda Xisbi Qaran wada saxeexeen, isagoo soo bandhiga sababaha ay u cuskadeen waxaanu yidhi, “Wax wax aad loogu qoslo ah oo layaabna leh heshiiskii Madaxweynuhu hormoodka ka ahaa ee Miiskiisa lagu saxeexay ee Saddexda xisbi Qaran Guddoomiyeyaashoodu ay wax ka saxeexeen, ee aan Qaranka ciddi u maqnayn ee beesha caalamkuna inagala shaqaysay in la yidhaahdo Inan Looyar ah ayaa diiday oo yidhi waa sharci-darro, oo Madaxweynaha iyo Intaas oo dhammi waxay isku raacday waa Sharci-darro, waa wax aad loola yaabo, balse Inanku ma diidi karo ee waxa uu odhan karaa oo uu sheegi karaa aragtidiisa sharci, laakiin se heshiiska oo nuxurkiisu ahaa in golaha la hor geeyo oo uu aqbalo ama diido, markaa waxa keliya oo wax ka beddeli karayey heshiiskaasi Golaha Wakiillada.” Hoggaamiye Xirsi waxa uu intaasi ku daray, “Haddii Golaha Wakiilladu diidu waxa uu heshiisku dhigayey in sidiisii loogu dhaqmo, haddii uu ogolaadona in sagaal xubnood laga dhigo Guddiga Doorashooyinka Qaranka”.

Xirsi waxa kale oo uu Xukuumadda ku eedeeyey inay ka dambeysay burinta Golaha Wakiillada ee heshiiskii Axsaabta, “Waxa muuqata Xukuumadda Kulmiye ee Madaxweyneheedii saxeexay iyo Xisbigeedii oo uu goob joog u ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu inay si indho la’aan ah heshiiskii u buriyeen, maaddaama oo ay buriyeen oo ay ka hor-yimaaddeen Qodobbadii heshiiska oo aanay sidiisii u raacin, Annagana Mowqifkayagu Waddani waxa weeyi inaanu ka baxnay oo heshiiskaasi nama qabto, laga bilaabo Maanta heshiiskaas uma xidhnin, waxaanuse ogol nahay haddii Miiska Wada-hadalka la isugu yimaaddo oo hawshii dib loo wadi doono oo ay ka noqdaan khaladkooda, oo ay garwaaqsadaan oo ay nala arkaan oo ay yidhaahdaan aynu wadno idinla niyad ayaanu nahaye Annaguna wixii Qaranku ku heshiiyo ama maslaxada ummadda ah ka gacan taagan meyno, laakiinse mawqifkayagu waa kaa aan soo sheegay”.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani waxa uu gaashaanka ku dhuftay doorkii Garyaqaanka Golaha Wakiillada, “Diidmada iyo Ogolaanshaha Golaha ayaa leh ee maaha Inan (Garyaqaanka) inta uu isa soo taago wixii ay Xisbiyadu ku heshiiyeen ee Madaxweynuhu saxeexay ee ay laba iyo labaatan Xildhibaan saxeexeen oo Mooshin Sharci ah inan ma diidi karo ee talo ayuu ka dhiibanayaa, waxaanu inanka Sharci yaqaanka ahi uu la taliyaa Guddoomiyaha Golaha, sidaasi awgeed heshiiskii Golihii Wakiillada lama hor geyn oo haddii uu goluhu diido annaga ayaa ku qasbanaan laheyn in aanu heshiiska raacno”.

Sidoo kale, Xirsi waxa uu farriin siyaasadeed u diray Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisa, “Heshiiskii adiga ayaa buriyey oo laalay ee haddii uu kula mad-madoobaaday ka badheedh oo waxaan cadeynayaa in golaha ugu badan yahay Kulmiye oo darriiqii u furnaa ee u sahlanaa ee aanu annagu u badheedhnay uu ahaa in heshiiska loo coddeeyo, markaa inuu ka beydho Golihii uu aqlabiyada ku haystay inuu darriiq qardo jeex ah oo sharciga meelna kaga ool inuu Kulmiye u badheedho waa ayaan darro, markaa waxaan leeyahay Kulmiyoow Dawladnimada aamin oo Sharciga aamin oo Gollayaasha codkooda aamin oo Madaxweynahaaga saxeexiisa aamin”.

Ugu dambeyntiina, Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X Xasan waxa uu tilmaamay sababta awood u siinaysa inay ka baxaan heshiiska, “Qodobada heshiiska ayaa na siinaya in aanu ka baxno heshiiska haddii ay buriyaan oo aanu cadeynayno inay buriyeen waxaana heshiiska ku qornaa inay saddexda Xisbi ka wada shaqeeyaan oo ay shan iyo toban xubnood oo aan ka mid ahaa ayaa loo qoondeeyey inay ka shaqeeyaan, balse Kulmiye nooguma imman oo Baarlamaanka nooguma imman, laakiinse Ucid waanu fadhinay maalintii ilaa shalay, laakiinse cagta waxaanu ku baadidoonay Kulmiye oo annaga oo leh kaalaya nagala shaqeeya oo ka eegeyna niyad samida iyo danta guud iyo maslaxada ummadda oo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa Madaxweyne ku xigeenka ugu tegay gurigiisa oo weydiiyey walina noomu imman oo waanu sugaynaa, waxase shalay uun lagu war helay Inan (Garyaqaanka) ayaa yidhi waxba kama jiraan wixii ay intaasi (Axsaabta) oo dhammi ku heshiisay”. Ayuu yidhi Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali X Xasan

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...