Somaliland: Boqor Buurmadoow Oo Difaacay Kulankii Beeleed Ee Ay La Yeesheen Madaxweynaha

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madoow), oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa difaacay kulan uu Mdaxweyne Siilaanyo la yeeshay madaxda dhaqanka iyo wasiirada beeshiisa toddobaadkan.

Boqorka oo ka mid ahaa madaxda dhaqanka ee kulankaas ka qayb gashay, wuxuu difaacay kulankaas, waxaanu sheegay in beesha madaxweynuhu xaq u leedahay inay danaheeda kala hadasho madaxweynaha sida ay beelaha kaleba danahooda ugala hadlaan.

Boqor Buurmadoow oo uu Wargeyska Geeska Afrika shalay waraysi la yeeshay wuxuu isagoo jawaabaya su’aal kulankaas laga weydiiyay uu yidhi “Madaxweynuhu waa Madaxweyne Qaran, Madaxweynuhu maaha Madaxweyne beel qudha la shira, beel walba wuu la shira, beel walibana danaheeda ayey ula tagtaa, markaasi anagu waanu la shirnay Madaxweynaha, sida ay Beelaha kale ula shiraan baanu ula shirnay, wax aanu kaga duwan nahay Beelaha kalena ma jirto,dabci odhanaya Beelaha kale Madaxweynuhu ha la shiro Beeshisana yaanu la shirin ma jirto, anagu dadka kale ayaanu la mid nahay, oo waanu la simanahay, xuquuqda dadka kale ku leeyihiina waanu ku leenahay”

Boqor Buurmadoow mar uu ka hadlayey loolanka Siyaasadeed ee Xisbiyada ayaa yidhi “Doorashooyinka waxaan rajaynayaa oo ILLAAHAY ka baryayaa inay si nabadgalyo ah inoogu dhacaan, Xisbiyada tartamayana waxaan leeyahay tartan hufan, oo sharaf badan oo nabadgalyada aan waxba yeelin ayaa la idinka baahan yahay, waxaan idiinku baaqayaa in meel looga soo wada jeesto sidii Doorasho xor iyo xalaal ahi inoogu dhici lahayd, tartan wanaagsan baanan idin rajaynayaa”.

Boqor Buurmadoow mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko mawqifka ay Beesha Caalamku ka istaageen Somaliland, go’aanka Madaxweynaha ee doorashada wakiilada kadib ayaa yidhi “Inaga ayey wax walba inaga go’aan, waxa la inooga baahan yahay inaynu Caalamka nabad kula noolaano, oo Doorashooyinkeena qabsano, arinka Doorashada warwar kama qabo, sababtoo ah Madaxweynuhu wuxuu balan ku qaaday inuu bixiyo wax alaale oo Doorashadu ku dhacayso, waanu bixiyey,maalina inuu ku darsado uma diyaar aha, waanan ku hambalyeynayaa Madaxweynaha fikirkaas iyo rayigaas uu ka qaatay.”

Boqor Buurmadoow mar uu ka hadlaayey wada hadalada Khaatumo iyo Somaliland ayaa yidhi “Madax-dhaqameed ahaanu waanu soo dhaweeynaynaa Khaatumo, waa dadkeenii, waa ehelkeenii, wax baa inaga dhexeeya, wada hadalkana waan ku hambalyeynayaa Xukuumadda, waana talaabo xagga nabada loo qaaday”.

Boqor Buurmadoow ayaa mar uu ka hadlaayey hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliya ayaa yidhi“Xasan Sheekh Maxamuud Somaliland waxba lagama weydiinayo, Somaliyada uu joogana waxba lagama weydiinayo, Somaliland-ba waxba ma yeeli karo, Somaliyana waxba ma tari karo, wakhtigiisina uu dhamaaday”.

Dhinaca kale wuxuu ku baaqay in loo gurmado oo gurmad iyo caawimo lala gaadho dadka ay abaaruhu ku hayaan Gobolada Barri, oo uu sheegay inay khatar ku sugan yihiin.

Comments

comments