Somalia: Reer PUNTLAND oo laga sifaynayo hay’adaha Dawladda Muqdisho (Magacyada 16 mas’uul oo xilalka laga qaaday)

Date:

Taniyo intii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo, bishii Febr. 8, 2017, waxaa si xoogleh usoo if-baxday in dadka reer Puntland ee ka shaqeeya Hay’adaha Dawladda Federaalka ah si gaar ah loo beegsado. Muddadaas kooban ee Dawladdu jirtey, waxaa xilalkoodii waayey tiro badan oo reer Puntland ah oo isugu jira diblomaasiyiin, saraakiil sare oo rayad ah, siyaasiyiin caan ah iyo saraakiil ciidan.

Arrintan ayaa lagu tilmaamay sifayntankii labaad oo si gaar ah loogu beegsado dadka kasoo jeeda Gobolada Puntland, taniyo dhamaadkii 70-aadkii iyo bilowgii 80-aadkii xilligaas oo Dawladdii kacaanku arrimo siyaasadeed awgeed u faquuqday deegaanada Puntland, oo ay ku tilmaantay “kacaandiid”. Taas oo markii dambe horseeday burbur iyo qalalaase aan weli Soomaaliya kasoo kaban.

Magacyada dadka la eryey Illaa intii Farmajo la doortay:

1. Cabdi Faarax Juxa, oo ahaa Wasiir aaminsan in waddanku federaal yahay awooddana la qaybsado, inkasta oo lagu badelay Axmed Cawad oo ka soo jeeda Puntland, walise aan la buuxin jagadii uu baneeyay
2. Bashiir Ciise, Gudoomiyihii Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, oo lagu badelay mudane ka soo jeeda Soomaaliland oo aan la marsiin tartankii ay dawladdu qorshaysay in la maro
3. Jamaal Maxamed Xasan,  Safiirkii hore ee Nairobi u fadhiyey Soomaaliya oo Wasiir noqday, oo booskiina lagu badelay Maxamuud Nuur Tarsan oo ka soo jeedda gobolka Banaadir.
4. Safiir Axmed Ciise Cawad, Safiirkii Washington u fadhiyey Soomaaliya oo Wasiir noqday welina aan la buuxin jagadiiisii, laakiin aan xogta ku hayno in loo wado mudane ka soo jeeda Soomaaliland
5. Safiir Yuusuf Ismaaciil Bari-Bari Ilaahay ha u naxariisto, oo qarax lagu dilay magaalada Xamar Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Geneva , waxaa lagu badelay Marwo ka soo jeedda gobolada Dhexe
6. Axmed Dayib Nuur, Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda Maaliyadda
7. Maxamed Keynaan, Xoghayihii Joogtada ee Xafiiska Raysul Wasaaraha
8. Sonkor Geyr, Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga
9. Maxamed Cabdiwahaab, Agaasimihii Guud ee Arrimaha Federaalka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
10.  Axmed Cabdullahi sheikh, Taliyihii Ciidanka Danab
11. Cabdirisaaq Xidig, Agaasimihii Guud ee Haya’dda Cimilada Soomaaliya (Environment)
12. Amiin Xaaji Kheyr, ku-xigeen-kii Haya’dda Nabad Sugidda.
13. Cismaan Yusuf, Agaasime ku-xigeenkii Haya’dda Duulista Hawada
14. Axmed Faarah Yare, Agaasimihii Waaxda Tebinta Siyaasadda (Policy Delivery) ee Xafiiska Raysul Wasaaraha
15. Xasan Qacle, Xoghayaha 1-waad (First Secretary of Somali Embassy), Safaarada Turkiga, Ankara, oo laga qaaday
16. Faarax Walanteeri,  Agaasime Waaxeedkii Maaliyadda ee Wasaaradda  Caafimaadka

Haddaba su’aashu waxay tahay maxay galabsadeen reer Puntland oo gaar ku ah? Ma shabaddii qaran-dumiska  iyo kacaan-diidka ayaa markale lagu dhuftay?

Maxaa la gudboon reer Puntland oo xooggoodii, xoolahoodii iyo waqtigoodiiba geliyey sidii loo heli lahaa Dawlad Soomaaliyeed oo dib-u-dhalata?

Waxaa kaloo is-weydiin leh maxaa ku dhacay xildhibaanadii iyo siyaasiyiintii Puntland ku metelayey Dawladda Federaalka ah? Maxaase ku dhacay Dawladdii Puntland oo la dhisay 20 sano kahor si ay u ilaaliso danaha dadka reer Puntland?

Waxaa si weyn u muuqata inaan 20 sano kadib Puntland wax saamayn iyo tixgelin midna ku lahayn siyaasadda Federaalka, loona baahan yahay in dib-u-xisaabtan iyo wax is-weydiin ay reer Puntland yeeshaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...