Somalia: Dagaalkii Gaalkacyoo oo mar kale halkiisi ka socda maanta oo isniin ah

Puntland, Galmudug fighting kills at least 7 soldiers
Somalia: Puntland, Galmudug fighting kills at least 7 soldiers

Subaxnimadii hore ee maanta oo isniin ah ayaa dagaal aad u culus ka qarxay aaga ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug isku horfadhiyaan ee Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Gaalkacyo.

Sida ay Puntland sheegtey waxaa difaaca hore ee ciidanka dagaal saf ballaaran ah ku soo qaadey Galmudug. Rasaasta culus ee la is dhaafsanayo ayaa magaalada oo dhan laga maqlayaa, Weriyaha Horseed oo xiriiro kale duwan sameeyey ayaa soo sheegaya in dagaalku dhaafey Tuulo Ikhwaan oo ku yaalo ceel biyood, sidoo kale dagaalka ayaa ka dhacay meel si weyn loogu xasuusto dagaaladii Sagaashamaadkii oo la yiraahdo Xerojiid, xabbada dagaalka ayaa ka sii fogaaneysa magaalada.

Madaafiic guryo ku dhacdey
Malayshiyaad taabacsan Galmudug oo iyagu ku sugan gudaha magaalada ayaa xaafada Israac ku soo ridey hoobiyaal, waxaana ilaa hadda uu halelay saddex guri, taas oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashey.

Difaac iyo Difaac
Dagaalkan ayaa galay todobaadkii saddexaad, waxaana labada dhinac mid walba sheeganayaa in ay difaac yihiin, waxaana dadku isweydiinayaa cidda weerarka ah marka kuwa ay yihiin, inkasta oo warka magaalada Gaalkacyo yaala aanu ahayn mid qarsoon marka la eego dagaalkii Sabtidi ay soo qaadey Galmudug oo ka dhacay Jiho ka duwan tii hore ayna magaalada kaga yimaadeen dhanka Waqooyi Galbeed ayaa in badan oo kamid ah shacabka Gaaalkacyo ee Puntland ka xanaaqsan yihiin sida wax u socdan. Dadkii ugu badnaa magaalada waa ka qaxeen, waxaa xiran dhamaan iskooladii, waxaa gabaabsi ku socda ganacsiga, ma jirto nabad iyo waan-waan socota, Madaxweynihii Puntland Dr Cabdiweli Cali Gaas weli dalka waa ka maqan yahay markii labaad iyada oo dalka dagaalo ka socdaan si lamid ah kii al-Shabaab ay soo qaadeen bishi Maarso 2016 oo uu dalka ka maqnaa, dadku waxay ka caraysan yihiin sida wax u socdaan, Maxamed Axmed Cali oo kamid ah ganacsatada Gaalkacyo oo Warbaahinta Horseed la hadley ayaa is weydiiyey, waxa Puntland difaacayso waxa uu yahay?, magaaladu waa cidla, ama dadka nabad ha u keeneen ama dhulka Galmudug ha u baneeyeen ayuu yiri.

Comments

comments