Somaliland: Siyaasi Geeljire Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Ka Dhexeeya Dalalka Somaliland Iyo Itoobiya

Somaliland's Secession: Why Caution is Necessary
People wave flags during a march to celebrate independence in Somalia's breakaway territory of Somaliland in the capital Hargeisa on May 18. The territory has declared itself independent from Somalia and wants to secede. MOHAMED ABDIWAHAB/AFP/GETTY IMAGES

Siyaasi Geeljire Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Ka Dhexeeya Dalalka Somaliland Iyo Itoobiya
Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo laba xil oo wasiirnimo k soo qabtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, haddana ka mid ah guddiga ictiraaf raadinta ee Somaliland, ayaa ka hadlay xaaladda gobalka Geeska Afrika iyo weliba bariga dhexe.

Mr. Geeljire oo uu waraysi la yeeshay wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu ka hadlay hubka dawladda Somaliya loogu deeqo ee haddana lagu iibyo suuqyada shacabka. Waxaanu sheegay in hubkaasi uu khatar ku yahay umadda Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kale oo uu Mr. Geeljire ka hadlay ahmiyada xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya. Waraysigaasi wuxuu u dhacay sidan:

Beryahan dambe xaaladaha siyaasadeed iyo nabadeed ee gobolkan Geeska Afrika iyo Gacanka Carbeed waxa ku soo korodhay dagaalo sida ka Yemen ka socda iyo wax lagu tilmaami karo gadood dadweyne sida Ethiopia oo ku dhawaaqday “Xukun Degdeg”ah markii qoomiyiyadaha dalkaas qaar ka mid ahi banaan baxyo rabshada wata ku kaceen. Sidaad u aragtaa arrimahas guud ahaan gaar ahaan maxay saamayn inagu yeelan karaan?

Waa run oo arrimahaas oo dhami way jiraan oo waxaad moodaa goboladaa aad tilmaantay sida Bariga Dhexe iyi Geeska Afrika oo weligoodba ama in badanba caan ku ahaa gibollo colaadeed iyi xasilooni darro waxaa maantana ka taagan tagaallo iyo xiisado ay dawladaha ama kooxa ay ka dhaxeeyaan ku tilmaamaan qaar ay dawlado kale dabada ka wadaan. Yemen waxa ay qoloba ta kale ku tilmaantaa inay Sucuudiga iyo Iiraan ka dambeeyaan oo waxa laga dhigay dagaal Shiico iyo Sunni ka dhaxeeya; xaaladuse intaa way ka durugsan tahay oo dano badan baa usku murugsan. Ciraaq la mid Suuriya la mid.

Ethiopia hadaynu u soo noqono waxay xukuumadoodu ku eedaysay rabshadaha jira dalalka Eritrea iyo Masar oo ay tidhi “waxaanu haynaa cadaymo tilnaamaya inay hub iyo tababar soo siiyeen jaabhada Oromada iyo kuwa kaleba.”

Markaa xaalad aad u werwer badan weeye.

Labada gobolba way inala jaar waxa inaga dhexeeya ganacsi aad u balladhan. Waa daaqadaha aduunka inooga furan. Dadkeenaa deggan oo ka shaqaysta.

Haddaan ku moqdo saamayanta ay inagu yeelan karto xaaladooda oo ka sii dartaa waa mid keeni karta dhibaato weyn oo guriga kugu xiga haddii dab qabsado sidaad uga badbaadaa way adagtay.

Ethiopia haddaan gaar ula baxo marka hore arrimahooda gudaha ee u gaarka inay faduulino oo faro gelino ma aha manaynaan faro gelin.

Ta labaad Ethiopia sidaa la wada og yahay deris dhaw baynu nahay oo weliba saaxiibo ah. Dareenkeenu waa isku mid. Nolol maalmeedkeena ayaa isa saameeya oo isku xidhan. Nabadeena ayaa isku xidhan. Ganasigeena ayaa isku xidhan. Siyaasadeenaa isku xidhan. Markaa wixii ka dhaca gudaheeduba dhankeenana wuu ka muuqanayaa waynu dareemaynaa.

Maxaad ka odhan lahayd xaaladda Xukunka Degdegga ah lagu soo rogay Ethiopia?

Inaga waxa inooga banaani waa inayno xaq ddhawr u muujino dawladdaa Ethiopia ee aynu jaarka nahay oo aynaan si qaldan uga faalloon ama uga falcelin sida ay isu maamulayaan. Wixii wanaag inoogu muuqdana ay dariiqa dadban ee diblomaasiyada u marino oo ugu sheegno

Waxa inala gudboon inaynu is barbar taagno oo inagoo ka jawaabayna ballankii ay qaadeen ee ahaa “cadawga Somaaliland weerara cidduu doono ha ahaadee waanu ka dufaacaynaa.” Inaynu inaguna cadawgii debed ka soo weerara u diyaar garawno inaynu wixii itaalkeena ah ka difaacno. Inaynu wixii ay inooga baahdaan u hurno.

Maxaa xukuumada uga meel yaal arrimaha noocan oo kale ah?

Xukuumadda JSL siyaasadeedu way cadahay oo waxa salddhig u ah Distoorka oo tilmaamaya inaynu nabad iyo wanaag kula dhaqano bulshada caalamka gaar ahaan jaarka. Markaa mar walba xidhiidhkeenu wuu socdaa dawladaha jaarka sida Ethiopia iyo Djibouti. Xaaladaha soo kordhana waynu ka wada soconaa.

Waxaan rajaynayaa inuu Madaxweynuhu la xidhiidhi doono madaxda Ethiopia, haddaanu sooba marin soo noqodkiisa haday suuro gal noqoto. Markaa xil weyn bay xukuumaddu iska saaraysaa sidii ay u ilaalin lahayd xidhiidhkeena wanaagsan xaaladaha soo kordhana si loogu wada arki lahaa loogana wada shaqayn lahaa.

Waxaynu u caddayn donaa inaynu nahay saaxiibo lagu kalsoonaan karo.

Waxay xukuumadda JSL labalaabi doontaa xoojinta amniga ee dantu ugu jirto kabada dalba.

Dhowaan waxay sheegeen diblomaasiyiin reer Galbeed ah oo Muqdisho joogaa inay dawladda Somalia hubkii ay soo iibsatay 40% suuqa lagu arkay isagoo lagu kala iibsanayo. Sideed arrintaa u aragtaan.?

Waxa marka xusid mudan in xukuumad ahaan aanu cod dheer ku muujinay diidmadayada ku saabsan in loo ogolaado in hub laga iibiyo dawlada Xamar oo aanu u aragnay inaanay maamuli karin hub cusub oo goboljka ku soo kordha isagoo marka horeba la ciirciiraya hub sababay dagaalo sokeeye oo joogsi lahayn. Anagoo u aragnay inuu hubkaasi beelo gaar ah gacanta u geli doono. Anagoo u aragnay inaanay in dal cadaw u ah JSL oo hore u xasuuqay hadana la hubeeyaa ay khatar ku tahay ummadayada.

Haddana waxa cadaatay wixii aanu sheegaynay inay dhab noqdeen. Wixii beesha caalamku go’aansatayna uu qalad ahaa. Waxay arrintaasi marag u tahay marka aanu nidhaahno danta umaaddan inagaa og ee markaynu beesha caalamka ku kala aragti duwanaano danteena waxaynu raacaynaa ama yeelaynaa sida aynu dan moodno.

Haddana waxaan ku talun lahaa in laga noqdo in laga sii iibiyo wax hub ah oo dambe.

Comments

comments