Gudida caddaalada oo isku-shaandhayn iyo eryid ku samaysay garsoorayaasha dalka

Date:

Hargaysa(Wargane News)- Guddiga Caddaaladda Somaliland, ayaa shaqo ka eryid iyo isku-shaandhayn ballaadhan ku samaysay garsoorayaal fara badan oo ka kala hawlgeli jiray maxkamadaha gobollada iyo degmooyinka dalka.

Fadhi xubnaha Guddiga Caddaaladdu ku yeesheen xaruntooda Salaasaddii toddobaadkan, ayaa la sheegay inuu ka soo baxay go’aan shaqada lagaga eryey ilaa 23 garsoore oo ka shaqayn jiray maxkamadaha gobollada iyo degmooyinka waddanka. Go’aankan oo aan weli rasmi ah loo shaacin ayaa sidoo kale waxa wehelinaya isku shaandhayn lagu sameeyey garsoorayaasha iyo guddoomiyayaasha maxkamadaha gobollada iyo degmooyinka. Ma jiro war rasmi ah oo ilaa hadda laga soo saaray tallaabadan, go’aan oo ka dhashay qiimayn la sheegay in Guddiga Caddaaladdu ku samaysay habka garsoorka oo dhaliilo fara badani ka soo baxeen uu iminka horyaal Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo isagu ah guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda oo marka uu saxeexo uu meel mar noqonayo. Guud ahaan Shaqada iyo caddaaladda garsoorka ayaa si wayn loo dhaliilaa, iyadoo dadweynuhu sheegta dhibaatooyin kala duwan, waxaanna hore dhawr jeer Madaxweyne Siilaanyo u ballanqaaday in wax laga qabanayo shaqada, tayada iyo hufnaanta garsoorka dalka. Haseyeeshee, garsoorayaal ka kala tirsan maxkamadaha hoose ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa si cad warbaahinta uga sheegay dhawr bilood ka hor in aannu garsoorka Somaliland madaxbannaanayn oo farogelin ku hayso xukuumaddu.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...