Ganacsatadda Qaadka ee magaaladda Boorame, ayaa shalay sameeyay mudaharaad balaadhan oo ay kaga cabanayeen cashuur sharci darro ah oo ay sheegeen in dawladda hoose ee Boorame ay ku soo rogtay.
Qaadleyaasha Boorame ayaa ujeedadda mudaharaadkoodu ahayd in ay xukuumadda iyo bulshadaba u bandhigaan lacag cashuur dheeraad ah oo ay sheegeen in maayarka magaaladda Boorama Maxamed Xuseen Maydhane, uu ku soo rogay, iyadoo ay sidii caadiga ahayd u dhammaystirteen dhammaan wixii cashuur ahaa ee sharciga loogu lahaa.
Mudaharaadkan ay shalay Boorama ka sameeyeen gaancsatadda Qaadka oo muddo dhawr saacadood ah socday ayaa la sheegay in ay hakad geliyeen isku socodka gaadiidka gaar ahaana jidka hal-bawlaha ah ee dhex mara magaaladaasi. Kuwaasi oo ku dhawaaqayay hal-ku-dhegyo ay durayeen maayarka Boorama Maxamed Xuseen Maydhane.
Waxaanay mudaharaadeyaashu xidheen qaar ka mid ah jidadka magaaladda oo ay ku jareen Dhagaxaan iyo Taayirro ay ku gubeen waddooyinka. Wararka qaar ayaa sheegaya in mudadii uu mudaharaadku socday in la boobay Kabadho Qaad.Ciidamadda booliska oo isku deyay in ay kala kexeeyaan mudaharaadeyaasha ayaa la sheegay in ay ganacsatadda Qaadku ka dhego adaygeen, isla markaana ay mudaharaadkoodii iska sii wateen, inkastoo ay markii danbe ku guulaysteen in ay kala dareeriyaan.
Qaadleyaasha mudaharaadka dhigayay ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ku dhaliilayeen maayarka magaaladda Boorama iyo cashuurtan sharci daradda ah ee ay sheegeen in uu ka doonayo. Geesta kale waa markii labaad oo ay cabasho noocan ah ka soo yeedho ganacsatadda Qaadka ee Boorama muddo laba todobaad ah gudahood, iyadoo todobaadkii hore mudaharaad kan oo kale ah ay sameeyeen, hase yeeshee wasiirka maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo socdaal ku tagtay Boorama ayaa la sheegay in ay xalisay khilaafkii cashuureed ee u dhexeeyay maayarka Boorama iyo ganacsatadda Qaadka. Hase yeeshee, maayarka Boorama ayaa ka baxay go’aamadii ay wasiirka maaliyadda iskula qaateen in la joojiyo cashuurtaasi dheeraad ah ee uu maayarku ku soo roggay Qaadleyaasha. Go’aamadaasi ay wasiirka maaliyadda iyo maayarka Boorama arrintaasi iskula qaateen ayaa ahayd in webi ahaanba la joojiyo lacagtaasi cashuurta sharci darradda ah, isla markaana ay wasaaradda maaliyadda oo keliya uu sharcigu siiyay in ay cashuur ka qaado Qaadleyaasha.
Qaar ka mid ahaa ganacsatadda Qaadka Boorama ee mudaharaadka dhigayay oo warbaahinta la hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay cashuurtan dheeraadka ah ee ay ku soo rogtay dawladda hoose ee ay ka cabanayaan iyagoo tilmaamay in lacagtaasi ay tahay mid sharci darro ah.
Mid ka mid ahaa mudaharaadeyaasha ayaa yidhi sidan “Waxaanu ka cabanaynaa cashuur dheeraad ah oo nalagu soo roggay, cashuur bilaa sharci ah, oo aan maaliyadda ku jirin, oo aanu xaqul-xashiishka dawladda hoose ku jirin, ayaa nalagu soo roggay”.
Nin dhalinyarro ah oo ka mid ahaa ganacsatadda Qaadka Boorama ee mudaharaadka dhigayay ayaa isna waxa uu ka hadlay waxa ay ka mudaharaadayaan, waxaanu yidhi “Ninkaasi (mayarka), wuxuu nagu haystaa lacag sharci darro ah, lacag cashuureed oo aan xaq la noogu lahayn ayaa lanaga doonayaa”.Sidoo kale nin ka mid ah Qaadleyaasha oo isna ka qayb qaadanayay mudaharaadkaasi, isla markaana ka mid ah ganacsatadda Qaadka keenta magaaladda Boorama ayaa warbaahinta u sharaxay lacagta cashuurta ah ee lagu soo kordhiyay ee ay ka cabanayaan.