Taliyaha guud ee Booliska Somaliland sarreeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa ku dhawaaqay hawl-galo dheeraad ah oo ay fulinyaan ciiidamada amaanka, kuwaasi oo lagu xoojinayo nabadgelyada guud ee dalka.
Taliyaha guud ee ciidamada Booliska Somaliland sarreeyo guuto Cabdilaahi Fadal, waxa uu sidaasi ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen isaga iyo afhayeenka booliska Faysal Xiis, waaxaanay amar ku bixiyeen in heegaan buuxa la galiyay ciidamada booliska dalka oo dhan.
“Waa hawlaha qaranka aanu ugu igman nahay ee aanu u hayno, waana arrimo caado noo ah in aanu hawl galada mararka qaarkood xoojinno, haddii ay tahay dhalinyarrada iyo cid kasta oo amniga khal khal galineysa, haddii ay tahay gaadiid, waxaa jira baabuur u badan nooca dukhaanka qaarkood oo lambarada laga furo habeenkii, iyo haddii ay tahay dad u baxa daafaha magaalada kuwaasi oo ciidanka boolisku isha ku hayaan, iyagana tallaabo sharciga waafaqsan oo hawlahooda la xidhiidha ayaa laga qaadi doono,”ayuu yidhi Taliyaha Boolisku.
Taliye Cabdillaahi Fadal waxaa uu ciidanka ku amray inay adkeeyaan nabad-galiyada wadanka meel kasta oo ay joogaan waxaanu yidhi “Dhammaan waxaanu ciidanka booliska Somaliland meel uu joogaba aanu ku amraynaa inay adkeeyaan amaanka oo ay kor u qaadaan, waana hawlahayagii caadiga ahaa waxaanan bulsho weynta kala duwan ee reer Somaliland aan uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee ay ciidanka booliska ugu soo jeedaan ee ay ula shaqeeyaan, waxaan idin leeyahay inaydun hadh iyo habeenba sidii aad hore ula shaqeyn jirteen aad ula shaqeysaan una garab taagnaataan.
Sidoo kale waxaa isaguna halkaasi ka hadlay afhayeenka ciidanka booliska Faysal Xiis waxaanu yidhi “Waxaa heegaankan ciidamada la galiyay lagu xoojinaya nabad galyadda guud ee wadanka, mana, aha mid cusub ee waa mid aad iyo aad loogu sii adkeynaayo nabad-galyada dalka si weyn loo sugo loona adkeeyo, shacabkana waxaanu leenahay waxaad niyada galisaan inay muhiim tahay inaad nagu kalsoonaataan oo ciidanka booliiskana aad kalsooni buuxda siisaan, si uu u wanaagsanaado xidhiidhka bulshadda iyo ka boolisku. waxaan bulshadda looga baahan yahay in si wanaagsan ay ula shaqeeyaan booliska oo gacan weyna ay ka siiyaan fal dambiyeedyada dhaca.”