Somaliland: Nuxurka Kulan Hargeysa Ku Dhexmaray Guddoomiye Cirro Iyo Madax-dhaqameedka & Ganacsatada Subeer Awal

Maxay Ka Wadahadleen Labada Dhinac, Maxayse Isla Meel Dhigeen??

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa shalay kulan qarsoodi ah la yeeshay qaar ka mid ah salaadiinta beesha Subeer Awal.

Kulankan ayaa ka dhacay guriga ay Hargeysa ku leeyihiin salaadiinta beesha Subeer Awal ee ku yaalla agaagarka hotel Maansoor, waxaana ay wararku sheegayaan inuu guddoomiyuhu halkaas kula kulmay qaar ka mid ah madax-dhaqameedka beesha Subeer Awal, ganacsato caan ah iyo qaar ka mid ah saraakiishii SNM.

Sida ay xaqiijinayaan wararka uu helayo Wargayska Somalilandtoday guddoomiye Cirro iyo xubnaha kulanku dhex maray ayaa ka wadahadlay arrimo la xidhiidha xaaladda dalka guud ahaan, gaar ahaana saldhiga imaaraadka laga siinayo magaalada Berbera.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Madax-dhaqameedka iyo Ganacsatada Subeer Awal ayaa isla qaatay inuu saldhigaasi khatar wayn ku yahay amniga iyo qaranimada Somaliland, waxaanay isku raaceen in si midaysan looga soo horjeesto.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay qasab ku hirgalin doonto heshiiskan ay la galayso Imaaraadka carabta haddii ay golayaasha qaranku ansixiyaan, iyadoo la filayo inuu Madaxwaynuhu Axadda hor yimaado labada gole Baarlamaan.

 

Comments

comments