“Guddidayadu Xaqba Uma Laha Inay Wax Yeedhiso, SONSAF-Na Weligeedba Way Jirtay Oo Qolada Doorashooyinka Way Wada Shaqayn Jireene Anigu Markii Guddidan Lagu Dhawaaqay Waxa Meesha Ka Uray Garan Maayo.”Axmed Y. Yaasiin
adaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay walaac ay komishanka doorashooyinka qaranku kasoo saareen guddi uu guddoomiye-ku-xigeen u yahay oo ay dhawaan aasaaseen dallada ay ku bahoobeen jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF oo loogu talo galay inay ka garnaqaan murranada soo baxa xilliyada doorashooyinka.
Axmed Yuusuf Yaasiin oo la hadlay Telefishanka STAR, ayaa ugu horrayn sharraxay waxa ay guddidaasi qaban doonaan,“annaga waxa naloogu yeedhay in marka sharciga ay arrintu soo dhaafto iyo ka hor inta aan sharciga la isla gelin haddii wax yimaadaan ayaa bulshada rayidka ah laga soo dhex xulay 27-xubnood, ujeeddaduna waa in markaas la helo cid heegan ah oo arrinta gacanta ku qabata, laakiin marka uu arrinku marayo jaran-jarrooyinka sharciga cidda sharciga garanaysaa soo gelimayso” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.
Mudane Yaasiin oo hadalkiisa sii wata, ayaa su’aal geliyey sababta keentay walaaca komshanka doorashooyinka iyo weliba ururka Qareenada oo iyagu hore eedo culus ugu jeediyey guddida ka-garnaqidda khilaafka arrimaha doorashooyinka oo ay aasaaseen dallada ay ku bahoobeen jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF, waxana uu yidhi,“guddidayadu xaqba uma laha inay wax yeedhisee waa isu soo jiid uun waxoodu, SONSAF-na weligeedba way jirtay oo qolada doorashooyinka way wada shaqayn jireene anigu markii guddidan lagu dhawaaqay waxa meesha ka uray garan maayo.”
Dhawaan ayey ahayd markii dallada ay ku bahoobeen jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF ay shaaciyeen guddi 27-xubnood ah oo ay sheegeen inay ka garnaqi doonto murranada ka yimaadda arrimaha doorashooyinka, waxana guddidaas sida fiinta uga qayliyey, isla-markaana sharci-darro ku tilmaamay komishanka doorashooyinka qaranka oo iyagu ku tilmaamay qaar sharciga baalmarsan oo cid dano gaar ah lihi wadato.