Burundi: Madaxweyne Nkurunziza oo Fagaaraha lagu arkay

Date:

Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa markii u horeysey fagaare lagu arkey tan iyo markii uu dhacay inqilaabkii dhicisoobey maalintii Arbacada ee qaar kamid ah ciidamada Burundi ay isku dayeen in ay awooda kula wareegaan iyada oo Madaxweynuhu dalka ka maqan yahay.

Madaxweynaha oo la hadley saxaafadda isla markaana jeediyey khudbad kooban ayaan hal marna soo qaadin Inqilaabkii dalkiisa ka dhacay, iyo rabshadaha weli ka socda halkaas, oo dad badan ku dhinteen, qaar kalena u qaxeen dalka ay dersika yihiin ee Kongo Kinshansa taas beddelkeeda waxa uu diirada ku saarey khudbadiisa in uu dadka ku cabsi geliyo khatarta al-Shabaab ay ku hayaan dalkiisa iyo hanjabaadaha ka imaanaysa, waxaana uu hoosta ka xariiqey in ay la wadaagaan dhibtaas dalalka Kenya & Uganda.

-Waxaan khadka Telefoonka kula hadley Madaxweynaaasha dalalka Kenya iyo Uganda, si aan u wadaagno macluumaadka al-Shabaab iyo weeerarada ay soo wadaan ayuu yiri Pierre Nkurunziza.

Madaxweynaha ayaa markii u dhameeyey khudbadiisa waxaa gelbiyey ciidamo aad u hubeysan.

Tan iyo markii uu dhacay Inqilaabku maalintii Arbacada Madaxweynaha lama arag isaga oo si degdeg ah dalkiisa ugu soo laabtey isla makraaana aan a aqoon qaabka uu ku yimid, Garoonka waxaa haystey koox taageersan Inqilaabka, waxana tan iyo maalintii Jimacada ka socdey Burundi sidii loo qaban lahaa kooxdii Inqilaabka isku daydey, dalkana dib gacanta ay ugu dhigi lahaa Pierre Nkurunziza.

Pierre Nkurunziza ayaa ahaa Madaxweynaha dalka Burundi 10-kii sano ee u danbeeyey, waxaana uu doonayaa in uu mar saddexaad isu sharaxo xilkaas taas oo dastuurku u diidayo laakiin Maxkmadda Dastuurku oggolaatey, waxaana ay khilaafsan tahay heshiiskii uu ka soo shaqeeyey Nelson Mandela ee Arusha/Tanzania ka dhacay taas oo lagu nabadeeyey dalka Burundi.

Maalintii Jimacada waxaa Booliska Burundi ay aargoosi kula dhaceen ciidamo tageersana Saraakiishii isku daydey inqilaabka kuwaas oo dhaawacood yaaley isbiaal, waxaana ilaa hadda ay gacanta ku dhigeen Saddex general oo kamid ahaa kuwii Inqilaabka isku dayey.

Maalinta berri ah ayaa shacabka diidan in Pierre Nkurunziza uu mar saddexaad tartamo ku balameen in ay isugu soo abxaan waddooyinka.

Dalka Burundi waxaa Soomaaliya ka jooga kumaankun ciidamo tan iyo sanadkii 2007, waxaana ay ku socdaan magaca AMISOM.

Burundi waxaa horey uga dhacay dagaalo sokeeye oo u dhexeeyey labada qawmiyadood ee Hutu tirada badan iyo Tutsiga laga tirada badan yahay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...