Somalia: Cida ka dambeysa dib u dhaca isdaba jooga ah ee ku yimid doorashdaa Dalka Somalia oo la shaaciyey

Date:

Wakiilka gaarka ah ee Q/Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa sheegay in siyaasiyiin Soomaali ah ay fargelin joogto ah ku hayaan hanaanka doorashada ee mar kasta dib u dhacaya.

Micheal Keating oo warbixin siinayay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in qabo cabsi ah in doorashada mar 3aad dib loo dhigo, taasoo uu sheegay iney tahay wax ka suurtooba madaxda Soomaalida.

Waxaa uu niyad jab ka muujiyay dib u dhaca doorashooyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka Somalia, waxaana uu sheegay in uu rajaynayo in doorashadu u dhici doonto si wanaagsan.

“Dib u dhacan cusub ee haatan yimid wuxuu dhalinaya cabsi laga qabo arimo dhawr ah. Bal aan laba keliya uun magacaabo: waa in hannaankii la siyaasadeeyay iyo in ay suurto gal tahay in dib u dhacani hadana keeni karo dib u dhacyo kale” ayuu yiri Keating oo la hadlayey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Guddiga doorashooyinka Somalia ayaa shaaciyey in doorashooyinkii lagu waday iney dhacaan Oktoobar dib loo dhigay illaa bisha Nofembar ee sanadkan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...