Warbixin Xiiso Badan Oo Daaha Ka Rogaysa Saddaxda Shirkadood Ee Dunida Ugu Shaqaalaha Badan?

Date:

Qormadan Kooban waxa aan ku eegi doonaa Saddexda shirkadood ee ugu shaqaalaha badan Dunida shaqaalahooduna ay ugu qanisan yihiin dhammaan shaqaalaha kale ee caalamka, marka laga hadlayo daryeelkooda iyo mushaharooyinka iyo gunnooyinka ay qaataan. Saddexdaa Shirkadood waxa ay kala yihiin:

1-Shirkada Walmart

walmart-logo-2-300x169

Waa shirkadda ugu horeysa oo ah shirkad iibka qaabilsan waxaana ka shaqeeya 2.1milion oo shaqaale ah waxayna dakhli ahaan siisaa Qofkii shaqaale ahba $166,500$ waxayna ka faa’iidaysaa shaqsigiiba %7,100 waana shirkadda ugu iibka badan caalamka iyadoo 28 dal ku leh 9600 oo xarun ganacsiyeed. Shirkadan Walmart waxaa la aas aasay 1962kii waxaana aasaasay nin ganacsade ah oo la odhan jiray Sam Wolton waxaana qoyskiisu ay kamid noqdeen qoysaska dunida ugu qanisan. Shirkaddani waxa ay awood u leedahay inay soo xareyso kharash fara badan isla markaana ay faa’iido u keento mid kasta oo shaqaalaheeda ka mid ah. Shaqaalaha ugu faraha badan ee shirkadan waxa ay ka shaqeeyaan dalka Maraykanka waana shirkadda ugu shaqaalaha badan dalalka Canada iyo Mexico. Baadhitaano ay sameeyeen Cilmi-baadhayaal ayaa lagu xaqiijiyey in shirkaddan Walmart ay kasoo horjeedo midawga shaqaalaha, waxaanay shaqaalaheedu sanadkiiba cel celis ahaan u qaataan lacag u dhaxeysa 10$ ila 12$ saacaddiiba

Ganacsatada qaar ayaa ku dhaleeceeya in xarumaha faraha badan ee shirkaddan ay wax u dhimi karto ganacsatada kale.

2- Shirkadda McDonald’s

mcdonalds-300x200

Shirkaddan waxaa u shaqeeya 1.7 Million oo shaqaale ah dakhliga kaga baxa qof kasta oo shaqaale ahi waxa uu dhan yahay $14,200 waxayna faa’iido ka heshaa qofkiiba lacag dhan $2,930. Shirkaddan waxaa la aas aasay sannadkii 1955kii waxaana iska lahaa fikradii lagu aas aasay ganacsade Maraykan ah oo la odhan jiray RAY KROCK waana shirkadda ugu wax soo saarka badan marka la eego cuntada fudud waxaana ay iminka xarumo ganacsi ku leedahay in ka badan 181 dal oo ay weheliyaan 33,000 oo hudheel cuntadooda oo ay qandaraas ku haysato waxaana hudheeladu  isticmaalaan %80 wax soo saarkeeda. Jaraa’idada caalamka ayaa mar qudha waxa ay ciwaanadooda kusoo qaaten  shirkadda McDonalds kadib markii ay hal maalin oo kali ah qaadatay shaqaale dhan 62,000 oo qof. Suuqa ugu weyn ee dakhligu uga soo xeroodo shirkaddani waa suuqyada reer Yurub iyadoona %41 ay ka helaan suuqyada Yurub .

 3- Hon Hai Percian/Foxconn

chaina

Shirkaddan waxaa shaqaalo ahaan u shaqeeya 836,000 oo shaqaale waxaana dakhli ahaan shaqaalaha ka gala lacag dhan $117,00 sidoo kale faa’idada ay shaqsi walba ka hesho ayaa ah $3,000. Shirkaddan waxaa la aas aasay sannadkii 1974kii waxaanay soo saartaa qalabka tiknoolajiyada waxaana aas aaskeeda ka dambeeyay nin la odhan jiray Terry. Waxay shirkadani soo saartaa taleefano badan waxaanay xarunteeda ugu weyni ku taalaa dalka Shiinaha waxaanay soo saartaa Taleefano ay ka mid yihiin Apple Cicco Nokia Sony Iyo Dell. Shirkaddani waa shirkadda ugu wax soo saarka badan dalka Shiinaha marka laga eego agabka Elektarooniga ah. Dhaqaalaha ugu badan ee shirkaddan waxa uu kasoo galaa wadamada qaarada Africa iyadoo ay ku xigto qaaradda Asia. Shirkaddan ayaa sannadkan macaashtay malaayiin dollar kadib markii wax soo saarkeeda sannadkii tagay 2013 uu noqday mid laban laabmay oo si weyn u so jiitay macaamiil aad u fara badan oo daafaha dunida jooga.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...