Afar Kelmadood Ee Gabadha Da’da Yari Ugu Jeceshahay In Ay Dhagaheedu Maqlaan!!

Date:

Haweenayda yar ee Gashaantida ahi gaar ahaan wakhtiga Qaangaadhnimo waxa ay u baahan tahay ereyo dhagteeda xadanteeya oo ay aad u jeclaysato in ay mar walba maqasho kuwaasi oo ku abuura Kalsooni iyo dareen laab furnaan ah oo ay nafteeda kula shawrto. Hadalada inta badan ay jeceshahay in ay gabadha yari maqasho waxa lagu tilmaamaa kuwa la xidhiidha dhinaca dareenka caadifadeed ee ku lammaan lubbigeeda oo ay ka hesho sacaado iyo liibaan aan xad lahayn. Hadalada ama dhawaaqyada haweenayda da’da yari ugu jecelahay in ay maqlaan dhagaheedu waxa ka mid ah:

Waad Waynaatay:- Inkasta oo weedhani ka mid tahay hadalada marka ay maqlaan haweenka waaweyni ugu neceb yihiin aadna uga xumaadaan hadana waxa taasi badalkeeda noqotay in hablaha yaryari haddii ay maqlaan kelmaddan oo lagu soo tuuray dhagtooda in ay helaan laab furnaan iyo farxad aad u sarraysa. Inanta yari wakhtiga ay imika uun ku jirto wakhtigii qaan-gaadhnimo haddii qof kale ku yidhaa: “Waad Waynaatay”. Waxa la ogaaday in ay tahay kelmad ay aad u jeclaystaan waxaanay taasi badalkeeda neceb yihiin in lagu yidhaahdo: “Inantii Yarayd, ama tusaale ahaan aaway gabadhii yarayd. Yaraanta ay diiddan tahay waa mid dareen hoose ku lammaan yahay oo aan ahayn da’da rasmiga ah ee ay jirto in ay diiddan tahay.

Sideed U Aragtaa..Ama Maxaad Ra’yi Ka Qabtaa Arrinkaa Iyo Arrinkaa: kelmadaha noocan oo kale ahi waxa ay sida dabaysha u ruxdaa qalbiga gabadha yar wakhtiga kacaanimo, waxaanay ka mid tahay hadalada ay ugu jeceshahay in ay maqasho. Haddii asaxaabta ama ehelka gabadha yari ku yidhaahdaan arrinkaa sideed u aragtaa, iyaga oo ka raadinaya in ay talo ku darsan karto arrinka markaasi taagan, waxa ay taasi badhaadhe adduunyo u tahay gabadha yar oo dareenta in ay bulshada door ku leedahay oo wax laga waydiin karo nolosha ku hareeraysan. Waxa ay dareentaa in dadku kalsooni ku qabaan oo ay u baahan yihiin talo iyo qaraar ay wax ku yeelato.

Waan Ku Jeclahay: Ha noqoto mid ka timid dhinaca qoyska ama asaxaabteeda gaarka ahe, kelmaddani waxa ay sixir ku noqotaa qalbiga inanta yar waxaanay hoy ku leedahay goobaha ugu hooseeya qalbigeeda. Kelmadda “Waan Ku Jecelahay” waxa ay inanta yar uga dhigan tahay adduunyo dhan oo dhabta loo saaray waxaanay ku abuurtaa kalsooni iyo dareen wanaagsan oo aad u sarreeya.

Waxaad Tahay Qof Go’aan Leh: In qofku noloshiisa go’aamo habboon ka qaataa waa arrin loo baahan yahay. Go’aan qaadashaduna waa tallaabooyinka guusha ku gayaysiiya marka ay yihiin go’aan qaadasho habboon oo si togan noloshaada saamayn ugu yeelata. Inanta yari wakhtiga kacaannimo waxa ay wakhtiyada qaarkood ku dhaqaaqdaan go’aamo kala duwan oo mid kastaa saamayntiisa leeyahay, kuwo habboon iyo kuwo aan habboonayn. Haddii inanta yari marka ay go’aan wanaagsan ku kacdo loo hambalyeeyo oo dhagaheeda la gaadhsiiyo kelmadda ah “Go’aan baad leedahay” waxa ay u arkaysaa in ay tahay qof go’aan gaadhi karta oo nolosha door ku leh. Waxaanay weedhahani ka mid yihiin hadalo la ogaaday in hablaha da’da yari aad u jecel yihiin.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...