Dalalka Carabta: Hoos U Dhac Weyn Oo Ku Yimid Magacyada Wiilasha Loo Bixiyo Ee Bashaar Iyo Korodh Ku Yimid Magaca Saddaam

Guud ahaan wadamada Carabta waxa si weyn hoos ugu dhacay magaca Bashaar ee loo bixiyo inamada yarar ee dhasha halka uu si weyn kor ugu kacay magaca Saddaam, sannadihii ugu dambeeyey oo Kumanaan kun oo wiil oo dhashay loo bixiyay magaca Saddaam oo ah magaca uu caanka ku ahaa madaxweynihii la dilay ee wadanka Ciraaq Marxuum Saddaam Xuseen. Daraasad Magacyo Ururin ah oo dhawaan laga diyaariyay ku dhawaad 17 wadan oo Carbeed oo ay ugu horrayso Booqrtooyada Haashimiyiinta ee wadanka Urdun ayaa lagu ogaaday in Wiilasha yaryar ee dalalkaasi ku dhashay ee loo bixiyay magaca Bashaar uu si weyn hoos ugu dhacay maadaama magacani ka mid ahaa magacyada labaatankii sano ee ugu dambeeyey aadka loogu bixin jiray Ubadka yaryar ee dalalka Carabta ka dhasha gaar ahaan wiilasha. Magaca Bashaar oo ah magac uu la wadaago madaxweynaha wadanka Suuriya ee wakhtigiisu gabaabsiga yahay Bashaar Al Asad ayaa noqday magac aad loo necbaysto marka la xasuusto sida araxan darrada ah ee uu ninkani gabood fallada bani aadamnimo uga gaysanayo wadanka Suuriya oo muddo laba sano ku dhaw ku jira qalaalse siyaasadeed kii ugu xumaa ee abid soo mara. Dalalka Ciraaq, Urdun, Sucuudiga, Imaaraadka, Qatar iyo Suudaan waxa ay ugu horreeyaan dalalka inamada yaryar ee u dhasha loo bixiyo magaca Saddaam iyada oo loogu magac darayo madaxweynihii hore ee wadanka Ciraaq Saddaam Xuseen kaasi oo Maraykanku ku daldalay hawlgal Milatari oo dalkaasi lagu qabsaday kadib. Hoos u dhaca magaca Bashaar ayaa ka turjumaya sida ay hoos ugu dhacday shacbiyadda Madaxweyne Bashaar Al Asad oo lagu nacay sida uu uga jawaabay doonista shacabka wadanka Suuriya ee ku aadan in uu xilka ka dago.

Comments

comments