Somaliland: Xildhibaanno Ka Tirsan Gollaha Wakiillada Oo Ka Digay In Naxli Lagu Ladho Qaddiyada Waqooyiga Hargeysa.

Qaar ka mid ah mudaneyaasha golaha Wakiiladda Somaliland ee ka soo jeedda woqooyiga gobolka Maroodijeex ayaa si adag uga jawaabay hadallo maalmahan ka soo yeedhayay qaar ka mid ah xildhibaanadda ay isku golaha yihiin ee k a soo jeedda gobolka Awdal iyo sidoo kale salaadiinta gobolkaasi. Arrintaasi oo ku saabsan lixda goobood ee ku yaalla woqooyiga gobolka Maroodijeex ee hore muranku uga taagnaa, oo ay dhawaan shaacisay xukuumadu in laga qabanayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Xildhibaanadani oo shalay warbaahnta kula hadlay magaaladda Hargaysa, waxay kala ahaayeen xildhibaan C/kariin Aw Cali Shabeel, xildhibaan Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi, iyo C/laahi Xuseen Cige (Blacki), waxaanay ugu baaqeen in dadka siyaasiyiinta ah ee arrintaasi ka hadlay ee ku baaqaya colaadda iyo dhibaatadda in ay joojiyaan hadaladda cunsuriyadaysan. C/kariin Aw Cali Shabeel, oo ugu horayn shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in xubnaha reer Awdal ee sida xun uga hadlay arrintaasi ay meel kaga dhaceen dastuurka qaranka Somaliland iyo xuquuqda dadka degaankaasi. Waxaanu yidhi “Sida aan la wada socono awaamiir ayay dawladu ka bixisay goobaha woqooyiga ee lagu mursan yahay, oo ah in la geeyo sanduuqyadii diiwaangelinta codbixiyeyaasha goobahaasi oo ka tirsanaan jiray degmadda Hargaysa, ilaa imikana ka mid ah. Iyadoo aanu cuskanayno xeerka Lanbar 23/2002 ee xeerka is-maamulka goboladda iyo degmooyinka sida ku cad isagoo ka soo dheegtay qodobadda dastuurka ee arrintaasi ka hadlaya, kaasi oo dhigaya in lixdii degmo ee hore sidoodii lagu daayo ilaa inta la kala xadaynayo”. Mar uu ka jawaabayay dhawaaqyadda ka soo yeedhaya siyasiyiinta, madax dhaqameedka iyo xildhibaanadda reer Awdal, waxa uu yidhi “Waxaanu maqlaynay oo maalmahanba warbaahinta laga sii daayay dad arrintaasi deedifaynayay, taasina waxaanu u aragnaa in ay leeyihiin dawladi ma jirto, kooxi wax ma kala xadayn karto, qabiil-na wax ma kala xadayn karro, xukuumadda ayaa arrintaasi u igman. Waxaanan u aragnaa in arrintaasi ay meel ka dhac ku tahay qaranimadda. Ma cuskanayo anigu qabiil baa dega ama reer gaar ah ayaa dega, Somaliland wakhtiyadda ay xaaladuhu adag yihiin cid waliba way ku baxdaa, oo way degaan dadkuna xuduudo ha kala lahaadee, hadana dhulka waa la wada deganaa, oo biyaha iyo daaqa intaba waa la wada lahaa, laakiin wax laga sameeyo naxli iyo dhibaato laga abuurro arrintaasi ma aha”.

Waxaanu intaasi ku daray xildhibaan Shabeel. “Waxaan leeyahay dadka durbaanadda beenta ah meelahaasi ka tumaya eek u hadaaqaya arrin aan sharci ahayn, in ay ka waantoobaan oo ay dib isugu noqdaan”. Sidoo kale xildhibaan Shabeel, ayaa xukuumadda ku hambalyeeyay go’aankaasi ay gaynayso sanduuqyadda diiwaangelinta lixdaasi goobood.Arrintaasi ay xukuumadu jidaysay, waanu soo dhawaynaynaa, waananu ku hambalyaynaynaa, madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, go’aankaa xalaasha iyo cadaaladda ah ee uu qaatay oo in badan laalaaday, xaq darro iyo dulmina ku laalaaday, sida xaqiiqadu tahay. Go’aankaa uu maanta gaadhay madaxweynuhu-na waa mid cadaalad ku dhisan, waana ILLAAHAY mahadii, xukuumadana mar labaad waanu ku hambalyaynay-naa.

Waxaanan ILLAAHAY ka rejaynayaa in arintaasi ay si nabadgeliyo ah oo wanaagsan ay ku soo dhamaato. Dadka degaanka ah ee halkaa degan ama woqooyiga Hargaysa kuwa degan, xaq bay u leeyihiin oo waa qodob dastuuri ah in ay codeeyaan, xuquuqda ay leeyihiina cid is-hortaagi kartaa ma jirto” ayuu yidhi xildhibaan C/kariin Aw Cali Shabeel.

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay xildhibaan Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Aduunyadda seben aakhirka waxaa la arkaa dadkii salaadiinta ahaa, masuuliyiin, iyo dadkii wax loo dhiibtay ee ay ahayd in ay dadka kala qabtaan oo ay kala celiyaan, oo nabadgeliyadda ILLAAHAY bixiyay, ee uu ina siiyay, ee aan ku naaloonayno ay doonayaan in ay kala daadiyaan. Marka suldaankii afkiisu noqday dagaalama, waxba ma hadhin. Ninka suldaanka sheeganaya iyo ninka xildhibaanka sheeganaya, iyo ninka masuulka sheeganayaa uu yidhaahdo dadkoow dagaalama, wax hadhay ma jiraan, waatii ugu danbaysay oo waa aakhiru-sebenkii” ayuu yidhi xildhibaan Xaashi.

Isagoo hadalkiisa sii watay-na waxa uu yidhi “Fidnadu way ka daran tahay dagaalka oo way ka xun tahay, nimanka fidnadda la wareegaya, ee xumaanta la wareegaya. Maanta waxaynu maqalnay dad ayaan la diiwaangelinin, ummadda meel ku nool ayaan la diiwaangelinin ayaan maqlaynaa, oo dadkaa xuquudoodu ha lunto.

1960-kii, lix degmo ayay ahayd Somaliland waana la wada garanayaa. Waxaa inoogu taalla inaga dastuurkeenna lixdaa degmo ee jiray 1960-kii ayaa gobollo noqonaya, mid walaba-na xuduudkii ay lahayd ayay lahaanaysaa. Waxaanu leenahay, xuquuqda ummadda ayaan laga hor imanin, dadka ayaan la iska hor keenin, waxa aan jirin ayaan la samaynin, oo aan la isku deyin humaag aan jirin in loo sameeyo dadka”.

Waxa kale oo uu sheegay xildhibaan Maxamed Cumar Xaashi in ay xukuumadda ku hambalayaynayaan sida ay ugu dhiiratay in lixdaasi goobood laga qabto diiwaangelinta codbixiyeyaasha, taasi oo uu ku tilmaamay in ay tahay xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin dadka degaankaasi in ay helaan.

“Xukuumadan maanta joogtaa, waxyaabo badan ayay ku dhiiratay. Maantana waxay ku dhiiratay intii la laalayay goobahaasi in ay tidhaahdo waa la diiwaangelinayaa dadka, waanan ku hambalyaynay-naa. Waxaananu leenahay xukuumadda dadka waa la iska hor keenayaa, dalku isagoo lix gobol ah ayaa qaar kale oo badan lagu daray, iyadoo lix degmo ah ayaa kuwo kale lagu daray, idinku ha noqonina kuwa sii kordhiya ee dadka iska hor keenna, balse waxaad samaysaan kala xadeeya maamul ahaan si aanay dadku isaga hor iman. Madaxweyne sidii aad ugu dhiiratay waxyaabihii hore laga baqayay, waxaad ugu dhiirataa in aad xad u kala samayso lixdii gobo lee hore, wixii kale iyagu waxay sugayaan in horta la ansixiyo”ayuu yidhi xildhibaan Maxamed.

Sidoo kale waxaa isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay xildhibaan C/laahi Xuseen Cige (Blacki), waxaanu yidhi “Waxaa maanta (shalay) halkan isugu kaayo keentay, oo anu ka hadlaynaa waa arrinta beryahanba hadal-haynteedu badnay eek u saabsan lixda goobood ee woqooyiga Hargaysa, lixdaa goobood oo in muddo ahba xuquuq ay lahaayeen dadka degaankaasi ka maqnayd. Maanta markii la isugu wada yimid-na, ee dawladan hada xukunka dalka haysaa ay u wada yeedhay xubnaha dadka degaankaasi degan ee goleyaasha dawladda kaga jirra, xisbiyadda iyo intii metelaysay-ba, waxaa la isla qaatay in lixdaa goobood laga qabto diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Diiwaangelintu-na waa xuquuq uu qofku leeyahay, xataa dawladu may odhan waxaanu samaynaynaa xuduudii goboladda iyo degmooyinka, iyadoon kala xadayntiiba la gaadhin ayaa laga qaylinayaa. Taasi oo ah xuquuq ay dadkaasi lahaayeen, oo ah in la doorto wax-na ay doortaan oo la mid ah xaqqa kuwa ka hadlayay ta ay leeyihiin ayay duudsiyayaan, anagu arrinta aanu ka hadlaynaa waa taas”.

Waxa kale oo uu sheegay xidhibaan C/laahi Balaaki, in xildhibaanadii doraad ka hadlay arrintaasi aanay ka soo jeedin ama aan laga soo doran degaanka woqooyiga. “Arrinta saaxiibadayadda aanu golaha kuwada jirno ee shalay (doraad) isku wadda gaysay ee ku degaanka ah iyo mid aan ahayn-ba ay ka wada hadlayeen, ee dadkii halkaa ka hadlayay nin keliya uu dadka degaankaa ka ahaa, xildhibaanadii arrintaa ka hadlay ee Boorama isugu tegay dadkii degaankan ma ahayn, dad ay khusayso ma ahayn, waxay la mid tahay uun iyadoo ay anaga xildhibaanadda Burco laga soo doortay nala soo fadhiistaan oo ay ka hadlaan arrinta woqooyiga Hargaysa oo kale waayo? Marka aanay dad degaanka aan ahayni ay ka hadlayaan in la siyaasadaynayo, oo u jeedo kale ay ka danbayso. Anigu garan maayo u jeedadda la isugu keenay xildhibaanadaasi haddii aanay ahayn beri-na harqadii Buluuga ahayd ee dhinaca lagu sidan jiray ha lala soo baxo, waxa la diidan yahay diiwaangelinta maahee, diiwaangelinta wax ka weyn baa jirra ayaan is-leeyahay, waanay soo bixi doontaa”ayuu yidhi C/laahi Balaaki.

Isagoo hadalkiisa sii watay-na waxa uu yidhi “Diiwaangelintu sideedaba waa xuquuq uu qofku leeyahay. Somaliland-na waxay ku dhisantay oo aynu heshiis ku wada qaadanay, xuduuduhu waa kuwii lixdankii. Lixdan goobood ee laga hadlayaana halkii ay 1960-kii ka tirsanaayeen waa la hayaa, haddii ay cidi sad-bursiimo doonaysana ama hawl kale, waxay ahayd in aanu qofka ka hadlayaa six un wax u sheegan, balse ay ka hadlaan waxa ay ka qabaan. Laakiin xuquuq uu qof leeyahay ayaanu duudsiyaynaa, cidina idinka yeeli mayso, cid-na idinka dhegaysan mayso, waxa aad wadaana ma aha wanaag, ee waa wax cid danno gaar ah leh iyo siyaasado kale ay ka danbeeyaan”.

Comments

comments