Somaliland: KULMIYE Oo Ka Hadlay Sifooyin Madaxweyne Siilaanyo Kaga Duwan Yahay Hoggaamiyeyaasha Afrika

Date:

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbul xaakimka KULMIYE, Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel) ayaa sheegay in aanay jirin muddo kordhin ay doonayso in loo sameeyo xukuumadda madaxweyne Axmed Silaanyo.

Jaamac Shabeel oo shalay u waramayay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa kale oo uu soo dhaweeyay isku shaan-dhayntii Madaxweynaha Somaliland ku sameeyay xukuumadiisa Axaddii toddobaadkan, waxaanu Madaxweynaha ku bogaadiyay in Wasiirka arrimaha gudaha uu u magacaabo siyaasi ka soo jeeda gobolka Sool, taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay tallaabo hore loo qaaday oo hore loogu dhici waayay.

“Axmed Silaanyo waa kii shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ka caddeeyay in aanu mar labaad isa soo sharaxayn, hadduu kursi jacayl hayo madaxweyne Silaanyo, muu yidhaahdeen isma soo sharaxayo oo kamuu tanaasuleen muddo xileedkiisa labaad. madaxweyne Afrikaanna oo kursigii madaxweyne ku fadhiya oo ka tanaasula murrashaxnimadiisii Axmed Silaanyo ayaa u horreeyay. duruuf timaada mooyee, laakiinse wax dib u dhaca oo doorashada dib u dhigayaa oo annaga nagu jirtaa ma jirto, muddo kordhintii horana annagu maanu doonayn ee komishanka ayaa keenay, maantana muddo kordhin diyaar uma nihin, waxa aanu diyaar u nahay in doorashaddu dhacdo,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha dhexe ee KULMIYE.

Jaamac Shabeel waxa uu sheegay in isbedal ka muuqdo isku shaandhayntii madaxweyne Siilaanyo ku sameeyeay xukuumadiisa, waxaana uu tilmaamay in shacabka Somaliland soo dhaweeyeen wasiirka arrimaha gudaha ee loo magacaabay siyaasi ka soo jeeda gobalka Sool waxaana uu yidhi “Isku shaandhaynta madaxweynuhu sameeyay waxa ka muuqda isbedal macno leh, annagu xisbi xaakimkii ayaanu nahay, marka aan ka waramo aragtiyaha dadka ka soo noqonaya ee ku saabsan isku shaandhaynta madaxweynuhu sameeyay, arrinta ugu weyn ee lagu hambalyaynayaa madaxweynaha waxa weeye Wasiirka arrimaha gudaha ee goballada bariga uu siiyay, oo aad moodo in dadku ku taageersan yihiin tallaabadaa uu madaxweynuhu qaaday, horena umay dhicin in wasaarada arrimaha gudaha cid kale loo dhiibo, markaa waa arrin aad iyo aad u wanaagsan.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...