Somaliland: Yahay Mise Wuu Diidan Yahay?” Cali Guray Oo Ka Hadlay Qaabka Uu Maxamuud Xaashi Ku Hanan Karo Guddoomiyenimada KULMIYE.

Date:

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ka hadlay rajada Maxamuud Xaashi ku hanan karo guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE.

Mujaahid Cali Guray ayaa qoraal uu soo saaray ku yidhi sida tan: “Saaxiibkay Maxamuud Xaashi laga bilaabo saacaddii uu cadeeyay damaciisa Xilka Gudoomiyaha Kulmiye ayaa dibadda la dhigay sida ay ila tahay. Ergada Shirwaynaha uu doonayo in uu ka dhex tartamo 80% waxa laga yaabaa in uu iska leeyahay oo rabitaankiisa lagu soo xulayo Madaxwaynaha oo isagu ah mulkiilaha xisbiga xiligan ama inta xilka Madaxwaynaha uu hayo. Sidaa daraadeed inta uu doono ayaa doonan inta uu diidaana way diidan yihiin. Markaa Maxamuud miyuu doonan yahay mise wuu diidan yahay? Hadii uu doonan yahay haa hadii kale ha sugo xilka uu doonayo Muuse dabadii. Ama sidii Faarax Nuur ha yidhaahdo:’

RAG KAA FAQAY RAFIIQ NIMAAD TIHIIN TALO LAGAA REEBAY

MEEL AAN LAGAA RABIN INDHAHA LALAMA SII RAACO

Waxan filayaa in badan ama inta ugu badan kaadariintii lafdhabarka u ahayd Xisbiga Kulmiye in xaalkoodu halkaa ku dambayn doono oo habqanka halka ay is daba galaan mar haqable toorayn doono

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...