Somaliland: Cabdikarriim Axmed Moogge Oo Talaabbo Somaliland Wax-Tar U leh Ku Tilmaamay In Madaxweyne SIILAANYO Wasaaradda Arrimaha Guddaha U Magacaabo Siyaasi Kasoo Jeeda Beellaha Darafyadda Dalka.

Date:

Waxaan ku faraxsanahay in Wasiirkii Arimaha Guduhu 25sano markii ugu horaysay ka wareego gobolada dhexe oo loo magacaabo siyaasi ka soo jeeda gobolka Sool, waxaan leeyahay waa talaabo wanaagsan oo hore loo qaadey oo soo celinaysa kalsoonidii dad faro badan oo Somaliland ku neceb in dhamaan wasaaradihii “A”da ahaa iyo hayadihii dastuuriga ahaa in gobolada dhexe wada qaadatey oo runa ahayd.

Waa in aanay halkaa ku joogsane waa in la sii wadaa wax ka qabashada tabashooyinka ku wajahan in gobolada dhexe wada qaadateen dhamaan xillalkii muhiimka ahaa iyo hayadihii dastuuriga ahaa dhamaan sida WASAARADAHA “A”DA AH, MAXKAMADA SARE, GUURTIDA,BARLAMAANKA, GUDOOMIYAHA BANGIGA SOMALILAND, JANANADA CIIDAMADA QARANKA, XEER ILAALIYAHA GUUD, HANTI DHAWRKA GUUD IWM si tabashadaa wax looga qabto waxa loo bahanyahay in dhawr talaabo oo kale in la qaado oo aan ka xusi karo

In oday Salebaan Mahamoud Adan, oo ah oday dalkan iyo dadkan u soo halgamay in uu u tanaasulo Somaliland maanta oo kursiga gudoomiyaha u baneeya oday ka soo jeeda BARIGA ama GALBEEDKA Somaliland, waxaan guurtida iyo Saleebaan gaar ugu soo soocday waa in guurtidu tahay gole aan doorasho ku iman oo ay fududahay in aan si dhib yar u galino qof hanan kara xilkaa weyn ee gudoomiyaha guurtida sidii uu isba u soo galay si uu xilkaa u qabto!

In madaxweynuhu xilalka kale ee waaweyn ee ku xidhan isaga qaarkood sida wasaaradaha “A”da ah, Maxkamada Sare,Gudoomiyaha Bangiga Somaliland, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Hanti Dhawrka iyo Jannanada Ciidamada Qaranka u magacaabo dad aqoontii, kartidii,amaanadii iyo diinba leh xillalkaas qaarkood u magaacaabo masuuliyiin ka soo jeeda gobolada bariga Somaliland, si taasi u dhamaystirto wada-jirka iyo midnimada ummadda Somaliland Bari ilaa galbeed.

Qoraalkaygani ma’aha mid aan ku durayo dadka haya xillalka aan kor ku soo sheegay ee waa qormo aan ku baadi doonaayo Somalilandta quruxda badan ee aan raabo in aan helo si danbarka Maandeeq loogu wada maalo sinaan iyo cadaalad

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...