Somaliland: Loollanka Murrashaxa Madaxweyne Ku-xigeen Ee Xisbiga WADDANI Oo Maraya Meel Xasaasi Ah.

Date:

Toddobaado uun ka dib markii lagu dhawaaqay shirweynaha xisbiga WADDANI oo la filaayo in uu qabsoomo bisha Tobnaad(October) ee sannadkan, ayaa durba waxa marba marka dambeysa si aada u sii kululaanaya loolanka adag looggu jiro tartanka murashaxnimada Madaxweyne ku xigeenimo ee xisbigaasi.

Illaa hada inta la og yahay ama Murashaxiinta ugu cad cad ee u ordaaya jagada Madaxweyne ku xigeenimo ee xisbiga WADDANI oo kala ah guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbigaasi Md.Axmed Muumin Seed iyo Dr.Maxamed Xaaji Cali, ayaa ay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay noo xaqiijiyeen in toddobaadaddii ugu dambeeyey ay si aada ugu hawlanaayeen kulamo xod-xodasho ah iyo shirar docoodyo kala duwan oo ka kala dhacaayey magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ku waasi oo mid walba uu gaarkiisa ku doonayo hanashada taageerada golaha dhaxe ee xisbiga WADDANI.

Wararku waxa ay ugu horreyn iftiimiyeen in Dr.Maxamed Xaaji Cali oo ah murashax u tartamaaya jagada Madaxweynenimo ku xigeen ee xisbiga WADDANI uu kulamo gaar ah la qaatay haldoorka iyo siyaasiyiinta Axmed Dhagax iyo Waqooyiga Hargeysa ee ugu jira xisbiga WADDANI, ku waasi oo uu dhammaantood ba u soo bandhigay hankiisa Murashaxnimo iyo weliba siddii ay ugu taageeri lahaayeen hankiisa Murashaxnimo, waxaana ay sida oo kale ilo wareedyadu tibaaxeen in siyaasiyiintaas laftoodu ay dhankooda soo dhaweeyeen hanka siyaasaddeed ee uu u soo bandhigay Murashax Dr.Maxamed Xaaji Cali.

Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed oo isna ah murashax u tartamaaya jagada Madaxweyne ku xigeenimo ee xisbigaasi, ayaa dhankiisa waxa uu shirar doceedyo iyo kulamo gaar gaar ah uu toddobaadaddii ugu dambeeyey uu ka waday gudaha magaalada Burco, waxaana ay xoggahu muujinayaan in uu kulamo la yeeshay xubno tiro badan oo ka tirsan golaha dhaxe ee xisbiga WADDANI ku waasi oo ka soo kala jeeda galbeedka iyo bariga magaalada Burco. Iyada oo ilo wareedyadu sheegayaan in uu halkaas ugu soo bandhiga hankiisa murashaxnimo iyo weliba siddii ay ugu taageeri lahaayeen ba, waxaana shirarkaas laga soo sheegayaa in la isla guddoonsaday ahdaaf siyaasaddeed.

Ugu dambeyntii, siyaasiyiintan hada muujiyey hankooda murashaxnimo ee xisbiga WADDANI, ayaa dhammaantood ba ka soo kala jeeda goballada Galbeedka Somaliland, illaa hada na ma cadda meesha ay ku dambeyn doonto loolanka looggu jiro hankaas Murashaxnimo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...