Iraq:Xabaal wadareedyo laga baarayo Tikrit

Date:

Kooxaha baaritaanka ee ku sugan magaalada Tikrit ee dalka Ciraaq, ayaa bilaabay in ay faaqaan 12 goobood oo laga shakisan yahay in ay yihiin xabaal wadareedyo, maalmo kadib markii magaaladaasi laga saaray xooggaga Daacish.

Xabaalaha ayaa la rumeysan yahay in ay ku jiraan meydadka ku dhawaad 1,700 oo ahaa askar ka tirsan Shiicada Ciraaq, kuwaas oo ay xasuuqday Daacish bishii June ee lasoo dhaafay.

Askarta ayaa lagu qabsaday meel aan ka fogeyn saldhigii hore ee ciidammada Mareykanka, Camp Speicher, oo u dhow magaalada Tikrit.

Dilkooda ayaa muujinayay arxan darrada iyo naceybka ay Daacish u qabto Shiicada Ciraaq.

Goobaha askartaasi lagu duugay ayaa waxaa ka mid ah xaruntii hore ee uu Sadaam Xuseen ku lahaa Tikrit, taasoo markii dambe noqotay xarun ay leedahay Daacish.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...