Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Ingiriiska ugu baaqay in aqoonsiga Somaliland u sahlayo inay si nabadgelyo ah ganacsigoodu u soo gaadho Geeska Afrika.
Qoraal dheer oo madaxweyne Siilanyo ku faahfaahiyey wargeyska lagu daabaco siyaasadaha caalamka ee African Argument, isla markaana uu kaga hadlay taariikhahii u dhaxeysay Somaliland iyo wadanka Boqortooyada Ingiriiska ayaa lagu bilaabay “24 June, sannadkii 1960-kii, majalada London Gazette waxa lagu daabacay qoraal Boqorada Ingiriisku ku joojisay maxmiyadoodii dalkeenna, isla markaana caddeysay in Somaliland dal madax-banaan noqon doonto 26 June. Shan maalmood ka dib, Somaliland waxay si iskeed ugu biirtay Soomaalidii Talyaanigu gumaysan jiray, waxayna abuureen dal loo bixiyey Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Waxuu ahaa khalad burbur ku keenay Somaliland illaa maanta haysta. Rajiimkii Siyaad Barre wuxuu sababay dagaalo sokeeye oo ay ku dhinteen konton kun oo muwaadinin reer Somaliland ahi ku nafwaayeen. Shacabkayagu waxay doorteen xaqooda ismaamulka, waxayna baabi’iyeen midnimadii lagu khasaaray 18 May 1991, dibna ula soo noqdeen madaxbanaanidoodii.”
Madaxweyne Axmed Siilanyo ayaa qoraalkiisa ku caddeeyey muhiimada Ingiriiska u yeelanayso madax-banaanida Somaliland, waxaanu yidhi “Sidoo kale, Somaliland kaalin muuqata ayey ka qaadan kartaa dedaalada Ingiriiska iyo Beesha Caalamka ee la dagaalanka argagxisada, iyo budhcad badeedka geeska Afrika.
Waxaan doonaynaa inaan aragno xasilooni iyo nabadgelyo ay gaadhaan Soomaaliya, waxaanan ku kordhin karnaa casharo ku saabsan waaya-aragnimadayada dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha nidaamka maamul dimoqraadi ah, balse dib uga mid noqoshada Somaliland ee Soomaaliya, keliya waxay burburinaysaa Somaliland, iyadoo aanay nabadgelyo gaadhin Soomaaliya.xal macquul ah waa in loo raadiyo oo aqbalaya xaqa dadkaygu u leeyahiin doorashada iraadadooda, laguna xisaabtamayo xaqiiqooyinka jira.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dooday in dalkiisu sharciyan uu buuxiyey shuruudihii aqoonsi caalami lagu heli lahaa, waxaanu yidhi “Inkastoo Somaliland hayso qoddobo sharci caalami ah oo u ogolaanaya inay dal madax-banaan noqdaan, haddana weli waa laga masuugay in helaan aqoonsi, taasoo fool-xumo iyo cadaalad darro ah, balse haddii aan helo aqoonsi waxay noo saamaxi doontaa inaan fursad u helo hay’adaha dhaqaalaha caalamka oo kobcino dhaqaalahayaga, taasoo abuuri doonta shaqooyin badan, kana baajin doonta dhalinyarradayada inay u tahriibaan wadamada Yurub, ama ku biiraan ururrada argagxisada.”
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa ugu baaqay dalka Ingiriiska inay muujiyaan hogaamintooda, isla markaana dib u soo celiyaan aqoonsigii ay Somaliland siiyeen sannadkii 1960-kii, kuna booriyaan wadamadda kale inay ku deydaan. Aqoonsiga Somaliland waa qaaditaanka tallaabadii saxda ahayd, waxaanay Somaliland ka taageeri kartaa Ingiriiska amaanka gobol xaaladiisa amaan halis tahay, oo kobcin karta suuq alaabada iyo shaqooyinka Ingiriiska, una tahay gidaar kaga beegan argagxisada Geeska Afrika.