Tirada Dhimashada Amisom Ee Weerarkii Shabaab Ku Qaaday Saldhigga Xalane Oo Korodhay

Date:

Afhayeenka Ciidamada Africa ee ku sugan Somalia Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in Jimcaha maanta la soo afjaray Weerar Khamiistii Dagaalyahannada Al-shabaab ku soo qaaday Saldhiga ugu weyn ee Amisom Muqdisho ku leedahay oo qarka u saaran Madaarka Caalamiga ah ee Muqdisho. waxa uu sheegay in Galinkii dambe ee Khamiistii ilaa galinkii hore ee Jimcaha ay 3 ka tirsan Al-shabaab kula dagaalamayeen Ciidanka Amisom Meel ay ku dhuunteen oo Saldhiga ah balse saddexdiiba la dilay Saaka.

Afhayeenka Oo VOA galabta la hadlay Waxa uu sheegay in 5 Askarta Amisom ah iyo hal qof oo ah Qandaraasle la shaqaynayay Amisom ku dhinteen weerarka sidoo kalena ilaa 8 Alshabaab ahi ku dhimatay, balse galinkii hore ee Jimcaha Amisom si buuxda ula wareegtay Maamulka Saldhiga.

Inta la Ogyahay 9 Qof ayaa ku dhintay Weerar Al-shabaab ku qaaday Saldhiga Ugu weyn ee Xooggaga Midawga Africa ku leeyihiin Muqdisho. Dablay hubaysan ayaa afaafka hore la eegtay Baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, intaas kaddibna Dagaalyahannada ayaa gudaha u galay Saldhiga iyadoo muddo ay rasaas Is waydaarsanayeen Amisom iyo Al-shabaab.

Dadka weerarka ku dhintay ayaa ka kooban 3 Amisom ah,hal qof oo shacab ah,iyo 5 ka mid ah Dagaalyahannada Weerarka soo qaaday, iyadoo waliba 3 kalena Nolol lagu qabtay sida lagu sheegay Bayaan ka soo baxay Midawga Africa.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan, iyagoo tilmaamay inay beegsanayeen Xafladdo Kirismas-ka ama sanadka cusub loo qabanqaabinayo oo halkaasi laga waday.

Afhayeenka AMISOM Cali Aadan Xaamud ayaa Sheegay in ugu yaraan 9 Ka mid ah Dagaal yahannada AL-shabaab galeen Gudaha Saldhiga Amisom “Xooggagayaga ayaa 3 toogasho ku dilay, 2 kalena waxay isku qarxiyeen meel u dhaw Kaalin Shidaal, Saddex kalena waxaa la rumaysan yahay inay baxsadeen” ayuu u sheegay Cali Xaamud Wakaaladda Associated Press.

Madaxa Amisom Maman S Sidikou, ayaa Sheegay in Xooggaga Amisom si dhakhso ah uga falcelin doonaan tabaha cusub ee Al-shabaab isticmaalayso islamarkaana la qaadi doono talaabooyin lagaga hortagayo in weeraro noocani ahi dib u dhacaan.

Afhayeenka hawlgalada AMISOM Cabdulcasiis Abu Muscab, ayaa weerarka ka dib sheegay inay dileen tiro ka mid ah Ciidamada AMISOM “Ciidamadayadu waxay gudaha u galeen Saldhiga Ciidamada Ajaanibka ah ee Somalia ku sugan” ayuu u sheegay  Wakaaladda AFP.

Saldhiga AMISOM ee Xalane, ayaa ku dhinac yaala Madaarka Caalamiga ah ee Muqdiso, islamarkaana ah mid si aada loo ilaaliyo.waxa Saldhiga ku yaala Safaaraddo iyo Xafiisyo Qaramada midoobay leedahay, kuwaasi oo si adag amaankooda loo ilaaliyo.

Haatan waxaa Soomaaliya ku sugan 22,000 oo Askarta Amisom ah, kuwaasi oo dagaal kula jira Al-shabaab. Inkasta oo ay meelo badan ka saareen Al-shabaab haddana waxay wali fulinaysaa Qaraxyo iyo weeraro qorshaysan oo halis ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...