Somaliland: Ismaaciil Buubaa Oo Qaabkii Madaxweyne Siilaanyo Loogu Qaabilay Djibouti Ku Sababeeyay Dadkii Weftigii La Socday Oo Aan Aqoon U Lahayn Baratakoolka Dawladaha

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa ka hadlay dooda ka dhalatay qaabkii ay dawladda Djibouti u qaabishay Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu khaladka koowaad saaray dadkii la socday Madaxweyne Siilaanyo oo uu tilmaamay inaanay waxba ka fahansanayn baratakoolka dawladaha.

Md. Buubaa, wuxuu sheegay in qaabka looga hadlay soo dhawayntii Djibouti loogu sameeyay Madaxweyne Siilaanyo iyo masuliyiinta dawladda ka tirsan ee ka hadlayba ay dhaawici karto sumcada dibadda ee Somaliland.

Md. Buubaa, oo waraysi gaar ah siiyay Geeska Afrika, wuxuu kaloo ka hadlay heshiiska dekedda Berbera. Waxaanu ugu horayn wax ka weydiinay dhacdadan Djibouti oo dood ka dhex abuurtay bulshada Somaliland, waxaanu yidhi

“Madaxweynuhu markuu ka degay Jabuuti si wanaagsan baa loo qaabilay, cid kastana way ogsoon tahay, arintan la isku maandhaafsan yahay aniga waxay ila tahay inay dhibaatadu ka timid habka maamulka Somaliland. Maxaa yeelay marka aad meel tagayso, ee Madaxweynahaagu socdo, waxa loo tagayo waa in si wanaagsan loo ogsoon yahay,Madaxweynaha Jabuuti wuxuu casuumay Madaxweynayaal fara badan, oo mandaqada ah oo Calaamku aqoonsan yahay, waa la iska  garanaayey in Madaxweynaha Jabuuti ay ku adkaanayso in Madaxweynayaashii la ictiraafsanaa ee Caalamku ictiraafsanaa iyo Somaliland oo wali aanu isagu ictiraafin  meel la soo wada fadhiisiyo,haddana Jabuuti iyo Somaliland oo dano aad u badan oo ka dhexeeya ay jiraan oo walibana aad moodayso inay Jabuuti xagga ictiraafka u xaglinayso,  markaas aniga waxay ila tahay in sidii loo maamulay inay ka timid dadkii la socday Madaxweynaha Somaliland, oo maamuskii loo baahna si wanaagsan ugu sheegin, halkaas ayeyna dhibaatadu ka timid.

Waxaana ka sii daran in arintii la sii balaadhiyo oo Badhasaabada Gobolada  qaarkood ka hadlaan,oo dad fara badan oo kale ay aflagaadeeyeen Madaxweynayaashii meesha yimid, taasina dhibaato ay Somaliland u keento mooye waxa kale oo ay u keenaysaa ma jirto, dawladdaha dhaqankoodana Wasaarad baa ku shuqul leh, Madaxtooyaduna dhinac bay kaga shuqul leedahay, markaas haddii maalin walba aynu ka maqalno wasiir hebel ama badhasaab hebel oon arintan shuqul ku lahayn ayaa ka hadlay waxa loo qaadanaya in maamulka Somaliland ka jiraa aanu ahayn mid qaangaadhay oo bislaaday, waana la ogsoon yahay in Ismaaciil Cumar Geele uu yahay nin Siyaasiya oo ruug caddayaa, markaad wax ka doonayso cay kaga heli maysid, ee iyada oo danaha la wada leeyahay la wadalo, oo wixii la tabanayo hoos ahaan loogu sheego ayaa haboon, il duufku wuu dhacaa ee isagu in si hufun oo baratakoolka calaamka waafaqsan inuu uga hadlo ayaa iman lahayd, laakiin waa la dhabqiyey arintii oo dadka suuqa ayaad mooda dhawaan inay odhan doonaan anaga oo magaca  dawladda  ku hadlaynaa waxay nala tahay sidaas iyo sidaas”.

Ismaaciil Hurre Buubaa mar uu ka hadlaayey Dekadda Berbera iyo heshiiska Imaaraadka Carabta wuxuu yidhi

“Aniga waxay ila tahay heshiiskaas lala galay Imaaradku waa heshiis aad iyo aad u qaali ah, dhinaca dhaqaalaha, dhaqaale aad u fara badan ayaa ugu jira Somaliland, waana la og soon yahay haddii ay Dekadda Berberi hagaagto inay imanayaan waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin Berbera corridor ama Waddooyinka isku xidhaya Berbera iyo halbawlayaasha wadamada Geeska Afrika oo muhiim ah, ayaa meesha iman doona, sida Waddada Berbera iyo Adiss Ababa isku xidhi doono iyo mid awal horeba loo soo qaaday oo isku xidhi doona Berbera iyo Doolow, taasina ay keeni karto in Koonfurta Suudan, Yugaandha, Itoobiya oo u baahan maalgashi fara badani inay ka faa’iidaysan doonaan.

Dhinaca Siyaasada maaha arinkani arin iska yimid ee markii hore Dawladdo ayaa hor taagnaa, dawladdiihii hortaagnana badidoodi wey ogolaadeen in Dekadda Berbera laga shaqeeyo mashruuca Berbera corridor la furo,  waxaana ay aniga ila tahay in arintan la siyaasadayn, oo dano axsaab ama dano shaqsi aan laga dhigin laakiin danaha waaweyn ee meesha ku jiraa dadweynahana faa’iido ayey u tahay, siyaasadda guud oo ictiraafku ku jirana dan ayey u tahay, waxayna aniga ila tahay in waxyaabaha lagu xasuusan doono Dawladda Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), inay arintan Dekadda Berberi ka mid noqon doonto, Wasiirka Arrimaha Dibaddu wuxuu sheegay in 15-milyan oo hor dhici inay yimaadeen, lacagtaas sida loo isticmaalaa siyaabo badan ayey u sameeyn doontaa mustaqbalka Somaliland, mashquuracana waa mashruuc ka qaro weyn Dhaqaalaha, ee wuxuu galayaa dhinaca Siyaasadda, dhinaca xidhiidhka Somaliland iyo Dawladdaha jaarka”

Isagoo ka hadlaya wada hadalada Somaliland iyo Somaliya wuxuu yidhi

“Wada hadaladu waa lagama maarmaan, laakiin haddii ay Dawladda Somaliland  aqoonsan tahay haddii laga gaadho heshiis Guddaha inuu muftaax u yahay, haa in labada dhinaca wada hadlaan waa lagama maarmaan, markii hore ee ay Somaliland iyo Somaliya midoobayeen waxa jirtay Shacbiyada arintaas hormuud ka ahayd, imikina waa lagama maarmaan in dhinaca Shacabka oo ah dad walaalo ah oo wanaag iskugu yimid in  haddii dawladdii la wada lahaa aanay shaqayn karayn in maantana lagu noqdi lixdankii cid walba sidii ay ahayd, waxayna ila tahay in dadweynuhu door culus ku leeyihiin ama madax dhaqameed ha noqdeen ama dadka xeel dheerayaasha ah ee mutacalimiinta ee arintan aad u fahansan ha noqdeene ama ha noqdeen qaybaha kala ee bulshada,waxa loo baahan yahay in si degan oo wanaagsan in la isku af garto sidii lixdankii danta loo wada arkay oo dawlad la wada sameeyo, dawladiina inay shaqayn weyday cid walba wey ka dharagsan tahay,  maanta Koonfur waxay u baahan tahay deganaasho, Waqooyina horumar, labaduba wey isku baahan yihiin, oo mid walba ta kale waxay ku dhaanto inay ku caawisana waa muhiim,waxaana anigu qabaa in wada hadalka baaxad intan ka weyn la siiyo”.

Dhanka kale wuxuu Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa ka hadlay Xuska sannad guuradii 25-aad ee 18-may ee loo dabaal degi doono maalmo kadib waxaana sheegay in loo baahan yahay in la weyneeyo dabaaldega, oo si wacan dadku u muujiyaan qaranimadooda, balse wuxuu ku taliyey in aan iyana la iloobin maalinta 26-june, oo ah maalintii ay Somaliland ka qaadatay madax banaanideeda Ingiriiska, waxaanu ku taliyey in isla maalintaas la muujiyo maamuska ay mudan tahay.

 

Comments

comments