Ryan Giggs ayaa ka tagi doona Manchester United haddii Jose Mourinho loo magacaabo tababaraha kooxda oo aan isaga la siinin shaqada kooxda marka Louis van Gaal uu baxo sida ay qoreyso Sunday People.
Giggs ayaa saaxiibadiisa ay 1992dii ka soo wada baxeen akadeemiga kooxda waxa ay ugu baaqeen inuu isaga tago Old Trafford xagaagan, islamarkaana uu tababare ka noqdo koox cusub.
Ninka reer Wales ayaa durbaba caawiye u ah tababaraha haatan ee Louis van Gaal waxaana uu caawiye u soo ahaa David Moyes laakiin ma sii joogi doono kooxda haddii Mourinho uu kaga hormaro shaqada
Giggs ayaa ka fiirsanaya inuu haatan ku dhawaaqo inuu kooxda isaga tagayo iyadoo gudoomiye ku xigeenka kooxda Ed Woodward uusan dooneynin inuu shaqada siiyo marka uu ugu danbeyn baxo Van Gaal.
Saaxiibada Giggs ahna raga ay ganacsi shirko ku yihiin ee Gary iyo Phil Neville ayaa labadaba ka tagay United si ay qibrad tababarenimo u yeeshaan.
Gary Neville ayaa weli ka mid ah shaqaalaha tababarka xulka England, waxaana uu waqti kooban tababare ka ahaa Valencia xilli ciyaareedkan. Phil Neville ayaa ka soo mid noqday shaqaalaha tababarka Man United haatana waxa uu ka mid yahay shaqaalaha tababarka Valencia.
Ryan Giggs ayaa lagula taliyay in talaabadiisa xigta ay noqoto inuu isaga tababare ka noqdo koox oo uusan sii ahaanin caawiye.