Heshiiskii Uu Antoine Griezmann Ugu Biiray Barcelona Oo La Baarayo – Maxaa Qalad Ah Oo La Sameeyay?

Date:

Heshiiskii muranka dhaliyay ee Antoine Griezmann uu uga soo wareegay Atletico Madrid uguna biiray Barcelona ayaa lagu waramayaa inay baarayaan xiriirka kubada cagta Spain.

Griezmann ayaa ku biiray kooxda heysata horyaalka La Liga horaantii isbuucaan, isagoo ugu danbeyn dhameystiray heshiis la hadal hayay tan iyo xagaagii hore.

Barcelona ayaa sheegtay inay bixisay lacagtii lagu burburinayay qandaraaskiisa Atletico Madrid taasoo noqotay 120 milyan euro 1dii bishii July.

Laakiin Atletico ayaa ku doodeysa in Barcelona ay wadahadal la bilowday Griezmann bishii March taasoo la micno ah in waqtigaas lacagta lagu burburin karay qandaraaskiisa ay aheyd 200 milayn euro sidaasi darteed ay Barcelona weli ku leeyihiin 80 milyan euro.

Atletico Madrid weli wax cabasho ah rasmi ah ma aysan gudbinin laakiin wararka ka soo baxaya Spain ayaa sheegaya in xiriirka kubada cagta dalkaas inuu furay gal dacwadeedka la xiriirka heshiiskaas.

Barcelona ayaa si joogta ah u beenineysay inay sameeyeen wax qalad ah iyadoo madaxweynahooda Josep Maria Bartomeu uu yiri: “Waan la hadlay Atletico, laakiin uma maleynayo inay heystaan wax cadeyn ah sababtoo ah maba jirto wax cadeyn ah oo tilmaamaya inaan qalad sameynay.

“Waan fahmi karaa in qof walba uu difaacayo waxay dani ugu jirto, waxaan la hadlay madaxweynaha Atletico Enrique Cerezo laakiin uma maleynayo inuu kiiskaan iyaga u fiican yahay. Wax ay hayaan ma jirto.

“Waxaan xiriir la sameynay Griezmann ka dib markii uu sameeyay muuqaal uu taageerayaasha ku macsalaameynayo, ma jiraan xiriir aan la sameynay bishii March.”

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...