SUUQA KALA IIBSIGA: Arsenal Oo 30 Milyan Ginni Ku Dablaneysa Xagaagan Xiddiga Liverpool Daniel Sturridge.

Arsenal ayaa lagu waramayaa inay 30 milyan ginni ku dalbaneyso weeraryahanka Liverpool Daniel Sturridge.

Wargeyska Sunday Mirror ayaa qoraya in macalinka Gunners Arsene Wenger uu ka war hayo baahida loo qabo gooldhaliye, waxaana uu muddo dheer xiiseynayay xiddiga Ingariiska ah.

26 jirkaan ayaa dhaliyay goolkii labaad ee kulankii ay Liverpool 3-0 kaga badisay Villarreal lugtii labaad ee semi-finalka Europa League laakiin waxaa jahwareeriyay dhaawacyo.

Lamana hubo ilaa iyo inta uu qiimeeyo xiddigaan tababaraha Reds Jurgen Klopp kaasoo kursiga keydka dhigay xiddigaan labadii lug ee wareega 8da Europa League ee Borussia Dortmund.

Waxaana ay taasi keentay in xiddigii hore ee Man City Sturridge inuu beeniyo inaysan jirin qilaaf u dhaxeeya isaga iyo Jurgen Klopp.

Wenger ayaana doonaya inuu ka faa’ideysto fursad kasta oo iska horimaad ah, isagoo doonaya inuu helo xiddig ka duwan Oliver Giroud iyo Danny Welbeck.

Comments

comments