Cristiano Ronaldo Oo Weli Ku Riyoonaya Abaalmarinta Gooldhalinta Ee Pichichi Xilli Uu Afar Gool Ka Danbeeyo Luis Suarez.

Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa diidan inuu ka quusto dagaalka uu ugu jiro tartanka abaalmarinta gooldhalinta Pichichi inkastoo uu afar gool ka danbeeyo xiddiga Barcelona Luis Suarez.

Haddii uu jiray hal ciyaaryahan oo ka mid ah kooxda Real Madrid oo tusaale u ah isbiirit tartan xitaa haddii ay saadaasha ay ka soo horjeeda, shaki la’aan waa weeraryahanka reer Portugal.

Haddii ay ahaan laheyd goolkiisa soo daahay ee kulankii dhawaan ee El Clasico, ka soo laabashadiisa dhaawaca ee uu taam u noqday kulankii semi-finalka ee Manchester City ama ku soo laabashadiisa qaab ciyaareedka wanaagsan xilli ay dadka qaar sheegayeen inuu dhaafay waqtigiisii ugu fiicnaa, Ronaldo ayaa xusuusiyay jamaahiirta xilli ciyaareedkan inuu yahay ciyaaryahan dagaalamaya ilaa dhimashada.

Isbiiritkaas ayaana loo baahan yahay haddii Ronaldo uu doonayo inuu abaalmarinta Pachichi uu kaga hormarayo Suarez isagoo ku guuleystay seddex jeer sannadihii u danbeeyay.

Lionel Messi ayaa isna sidoo kale seddex jeer ku guuleystay waayo ay labada halyeey iska heysteen ciyaarta, laakiin waa saaxiibkiisa Luis Suarez xiddiga hogaaminaya gooldhalinta xilli ciyaareedkan isagoo leh 35 gool.

Ronaldo waxa uu leeyahay 31 laakiin waxa uu rajeynayaa inuu ku soo laabto taam ahaansho buuxda kulamada ugu danbeeya xilli ciyaareedka ee Valencia iyo Deportivo La Coruna si uu u hanto abaalmarintaan oo loogu magacdaray halyeeygii hore ee Athletic Bilbao Rafael Pichichi Moreno.

Comments

comments