Luka Modric Oo Laga Saaray Kooxda Real Madrid Ee Saacado Ka Did Ku Wajaheysa Santiago Bernabeu Kooxda Valencia.

Luka Modric ayaa seegaya kulanka Real Madrid ay goordhow la ciyaari doonto kooxda Valencia sababo la xiriira dhaawac muruqa ah.

Madrid ayaa garoonka Santiago Bernabeu kula ciyaareysa Valencia iyagoo hal dhibic ka danbeeya labada kooxood ee hogaanka La Liga u haya ee Barcelona iyo Atletico Madrid.

Xiddiga khadka dhexe Modric ayaa kula biiraya liiska dhaawaca xiddigaha kala ah Gareth Bale, Casemiro iyo Keylor Nabas, halka Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema ay iyagana dhaawacyo yaryar ay soo gaareen isbuucyadii u danbeysay.

Warbixin gaaban oo ay soo saartay kooxda saacado ka hor kulankooda maanta ayaa lagu yiri: “Luka Modric ma ciyaari doono kulanka Valencia ee Santiago Bernabeu.

“Xiddiga khadka dhexe waxaa kooxda looga saaray si aan riski loo gelinin isagoo dhibaato ka qaba muruqa”

Tababare Zinedine Zidane ayaa rajeynaya in Modric uu si dedgega ah u soo kabsado iyadoo Madrid ay kulankeeda ugu danbeeyay ee La Liga ay isbuuca danbe la ciyaari doonto Deportivo La Coruna ka hor inta aysan finalka Champions League 28ka bishaan la ciyaarin Atletico Madrid.

Comments

comments