‘’Somaliland: Waa Inay Samaysataa Diiwaan Qaran Oo Lagu Uruuriyo Kuwa Sameeya ‘Khiyaamo’ qaran’’ Cabdikariim Axmed Mooge

Date:

Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Mudane Cabdikariim Axmed Mooge ayaa ka hadlay xilka loo magacaabay qaryaqaankii hore ee Xukuumadd Somaliland Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan oo maanta madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya

Cabdikariim Axmed Mooge waxa uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu xil u magacaabay Khaa’inul wadankii ugu waynaa ee Somaliland.

Mudane Cabdikariim Axmed Mooge qoraal uu goordhaweyd soo dhigay bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook ayaa ku ku yidhi sidan;

Kuwa Somalilandta ku ah xilku iyo darajadu ee markay labadaa waayaan ka noqda Somaliland wey badnaayeen, laakiin hadda waxa soo kordhay mid isagoo xilkii haya isaga casilay xilkii ummadan uu u hayay kadib markii looga gacan haadiyay Somalia, isaga’se waxa ka sii liita ka madaxweyne ummadeed sheeganaya khaa’inul wadankii ugu weynaa u magacaabay gudoomiyahooda maxkamada sare!! waxaanse u malaynayaa malaa marka horeba ninku damuljadiidka ayuu ka mid ahaa!!!.

Somaliland waa in ay samaysataa diiwaan qaran oo lagu ururiyo kuwa sameeya khiyaamo qaran iyo sharciyo qofka khiyaamo qaran sameeya ka mabnuucaya in aanu xil danbe u qaban Karin ummadan noloshiisa hadii xitaa ummadu iska cafiso. Waayo maalin walba kii ummadan ka soo horjeestay masiirkeedu in uu inta uu dib ugu soo noqdo uu yidhaahdo hadana waa i’kan oo sacab loo tumo waa yaabka yaabkiisa!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...