Somaliland: Xildhibaan Ku Baaqay In La Laalo Qoddobka Is Xambaarka Ee Ku Jiray Xeerkii Doorashadii Hore Ee Wakiiladda

Date:

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa waxa uu ugu baaqay mudanayaasha golaha wakiillada in ay laalaan xeerka is xambaarka ah ee ay goballada bari kaga soo baxeen mudanayaal ka tirsan aqalkoodu doorashadii sannadkii 2005-kii.

Xildhibaan Indho-indho oo waraysi siiyay suxufiga Faysal Fadhfadhle oo ka tirsan telefishanka universal ayaa waxa uu tilmaamay in xukuumaddu gobollada bari ka wado horumar dhinac walba leh, is la markaana biyo laga soo saaray magaalada Laascaanood, jaamacadna laga hirgaliyay.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo ugu horayn la waydiiyay tabashada gobollada bari iyo sida uu arko waxa uu yidhi

“Tabashadu way jiraysaa oo adduunka wax dhammaadaa ma jiraan, dawlad-nimaduna galbeedka ayay ka bilaamatay oo maalinba meel ayay gaadhaysay, ayaan dhawaydna waanagii Talleex tagnay ee shadaadiintii ka erinay, kuwii Puntland joogayna waanu u yeedhnay iyo kuwii khaatumo joogayba, haddii laga tagi waayo garaadadii oo naga maqan dhaliishooda waanu ogol nahay, gogalna Madaxweynuhu wuu dhigay oo in meel fiican la dhigo oo ku soo hiloodaan garaadadu ayaa fiicnaan lahayd, iyadoo aan wali laga quusan, xukuumaduna maanta meel walba way gaadhay Madaxweynuhuna horumarkii wuu bilaabay oo biyo macaan ayaa loo qodayaa Laascaanood, wadooyina waa loo sameeyay oo lix ah, jaamacadii waa loo sameeyay, waxa Laascaanood maanta laga qabtay waligeed lagama qaban.’’

Mudanne Cabdiqaadir Indho waxa uu ugu baaqay golaha wakiilada Somaliland in ay laalaan xeerka is xambaarka ah ee lagaga soo baxay goballada bari, waxaana uu yidhi

“Golaha wakiillada waxaanu ka rabnaa oo aanu marti uga nahay in xeerka is xambaarka ah in naga laalaan intaan diwaan-galinta laga bilaabin goballada bari maxkamaduna waa tii xukunka soo saartay ee tidhi hal mar ayaa lagu gali karaa doorashada golaha wakiilada xeerkaa is xambaarka ah. markaa go’aankii maxkamada sare ka soo saartay xeerka is xaambarka ah iyo xeerkii golaha wakiiladu yidhi waa is xambaar wali laysma waa fajin, is xambaarkiina waa sharci oo wuu yaalaa go’aankii ay maxkamadu soo saartayna toban sano ayaa ka danbeeyay oo golaha wakiiladu ma oga hadii aan lays waafajin labadaa”

Xildhibaan Indho-indho waxa kale oo la waydiiyay sababta golaha guurtidu u dhex gali waa yay khilaafka ka dhex taagan xisbiga UCID, waxaanu yidhi

“Kulmiye waanu dhex galnay, UDUB-na waa dhex gali jirnay, laakiin mar walba waxa ay ku xidhan tahay cida xisbiga haysataa sida ay arinka noola socod siiso, qoladan UCID waxa ay ku kalaheen maxkamada, qofkuna haduu dhaqanka ka cararo oo sharciga ku cararo, anaguna qaladka waanu leenahay oo maanu dhex galin, kuwa kalana waa noo imanayeen waxa ay lahaayeen na kala qabta waanu is haysanaaye. laakiiin haddii ay maxkamada isla galeen in aanu kaga dabo tagno maxkamada iyo sharciga xaq uma lihin, markaa hadii ay sharciyad gashay hala sugo.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...