Somalia: Kenya Oo Dib U Bilaabaysa Darbiga Laga Dhisaayo Xuduuda Ay La Wadaagto Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay sii wadeyso dhismaha ku aadan darbiga laga dhisaayo xuduuda Somaliya iyo Kenya u dhaxeysa, xilli qorshaha darbigan ku aadan Kenya mar hore ay guda gashay, laakiin hada dib loo bilaabaayo dhismaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery ayaa shaaciyey inay sii wadi doonaan dhismaha Xayndaabkaasi oo dhererkiisu dhan yahay 700-KM, kaasi oo uu sheegay in loogu talo galay in lagu hakiyo weeraradda ay Shabaab ka geystaan gudaha Kenya.

Joseph Nkaissery oo ka hadlaayay kulan uu la qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Beesha degta Gobolka Gedo, ayaa sheegay darbigan inuusan noqon doonin mid hakiya isku socodka Bulshada Xuduuda degta, balse uu noqon doono darbiga mid un looga hortagaayo weerarada Shabaabka.

“Xayndaabkani waxa uu inaga taageerayaa inaan hubino dadka, sida Shabaab ee isaga kala gudbaayo labada dhinac, balse, lama celinayo, lamana xadidayo dadka caadiga ah.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya.

Waxa uu intaasi ku daray in Baro laga soo galo, lagana baxo laga sameynayo Degmooyinka Mandera, Ceelwaaq, Libooya iyo Degaannadda kale ilaa Degmadda Laamu, isla markaana ay Boliska, Saraakiisha Waaxda Canshuuraha iyo Xafiisyo kale laga hirgelinayo goobahaasi.

Siyaasiyiinta Beesha degta Gobolka Gedo ee Kulanka ka dhex muuqday waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Somaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed Maxamed iyo Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Kenya ayaa dhawaan heshiis muhiim ah waxa ay ku weyday in ammaanka dalkaasi uusan aheyn mid hagaagsan oo Kooxda Shabaab weeraro ay ka geystaan dalkaasi.

Comments

comments