Somaliland: “Heshiiskii Aynu La Galnay Itoobiya, Wuxuu Keenayaa Tartarnka Aynu Kula Jirno Dekedaha”

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti wasiirro ah oo uu hogaaminayo ayaa maanta booqday dhismaha mashruuca dib u ballaadhinta dekeda Berbera ee Wajaale Terminal Berbera Port.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu socdaalkiisa ku weheliyo wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta mudane Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani), waxa halkaasi ku soo dhaweeyay madaxda gobolka iyo degmada iyo masuuliyiinta dekeda Berbera.

Maareeyaha dekeda Berbera Eng. Cali Xoor ayaa madaxweyne ku xigeenka halkaasi sharaxaad iyo faahfaahin ku siiyay, waxaanu ka warbixiyay sida uu socda mashruucan dib u ballaadhinta ah, waxaanu yidhi “Madaxweyne ku xigeenka ku soo dhawaw dekeda Berbera iyo guud ahaan magaalada, mudane waxaad halkan ku aragtaa horumarka iyo mashruuca ballaadhan ee halkan ka socda, iyada oo mar kasta loo baahan yahay horumar isla markaana wixii gacan ku hadh ah dalka lagaga shaqeeyo.”

Eng. Cali Xoor-xoor waxa kale oo uu intaasi ku sadaray “Mudane Madaxweyne waxa kale oo aan halkan kaaga caddaynayaa, waad ogayd in ay maalintii dhawayd hawshii ku saabsanayd Itoobiya ay si wanaagsan inoogu soo dhamaatay, halkan aynu dhisayno iyo halkaa ka sarraysaana waxay noqon doonaan meelaha aynu munaafacaadsan doono.”

Maareye ku xigeenka Dekeda Berbera mudane Cumar Abokor Jaamac ayaa isaguna ka warbixiyay dhismaha mashruucan cusub ee lagu ballaadhinayo dekeda Berbera, waxaanu yidhi “Mudane Madaxweyne ku xigeen, waxaanu halkan ka bilownay qaybtii saddexaad ee barxadda dekeda, adiga oo arkaya in aanu dhex galnay baddii oo aanu dhaafnay dekedii aynu ku shaqaysan jirnay, wax weyn ayaanuna ka qabanay, waadna aragtaa madaxweyne horumarka iyo shaqada ka socda dekeda.”

Maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamed Cidin ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanu amaan iyo bogaadin u jeediyay maareeyaha dekeda Berbera Eng. Cali Xoor-xoor, waxaanu yidhi “Waxaa farxad weyn noo ah in aynu ku jirno wejigii saddexaad ee barxadda weyn ee maareeyuhu u bixiyay Wajaale, aad ayaanan ugu hambaylaynayaa shaqada wanaagsan ee maamulka dekedu waddo.”

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta mudane Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani), ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanu bogaadiyay maamulka dekeda Berbera waxaanu yidhi “Maareeyaha iyo shaqaalaha dekeda Berbera waxay mudan yihiin Hambalyo, qofkii beri-dhawayd yimi wuu garan karaa waxa ku kordhay dekeda, waxa weeye runtii waa halbawle dekedu, hadday tahay mid dhaqaale iyo dakhliga soo galaya oo ah ka aynu ku maamulno dalka, markaa runtii marka ay dekedu korodho ama ay fiddo waxaa fidaya oo koraya dhakhliga soo galaya jamhuuriyada Somalilland.”

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa isagu gabagabadii halkaasi ka hadlay ayaa uga mahadnay maamulka dekeda Berbera mashaariicda horumarineed ee ay halkaasi ka wadaan, waxaanu yidhi “Runtii waa wax aad loogu farxo mashruucan iyo horumarka ay dekeda ka wadaan maareeyaha iyo shaqaalihiisu, sababta oo ah waxaan hore u soo marnay labadaas barxadood ee hore oo laba goor la kala sameeyay, maantana waxaa la kala la’yahay meel wax la kala dhigo, markaa is bedelka intaa leeg iyo kor u kaca dhaqdhaqaaqa dekedu wax qarsoon maaha, runtiina aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa maareeyaha iyo kooxdiisa hawsha wanaagsan ee ay ka wadaan halkan.”

Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waxa kale oo uu madaxda dekeda Berbera ku amaanay heshiiskii ay dhawaan la soo galeen dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya oo ku saabsanaa sidii ay u isticmaali lahaayeen dekeda, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan ku amaanayaa masuuliyiinta dekeda Berbera, heshiiskii ay dhawaan la soo galeen dalka Itoobiya, taasina waxay keenaysaa in aynu kor u qaadno tartarna aynu kula jirno dekedaha kale, mashruucanina waxa uu ku tusayaa in loo sii meel sameeyay”

Comments

comments