Somaliland: Dawladda Itoobiya Oo Si Rasmi Ah U Bilawday Istcimaalka Dekadda Berbera, Maraakiib Jabuuti Taagnaana Ku Amartay Inay Berbera U Wareegaan

Date:

Xukuumadaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa todobaadkan uun kala saxeexday heshiis ganacsi oo la xidhiidha isticmaalka Itoobiya ee dekadda Berbera, iyadoo lagu heshiiyey qodobo labada dhinacba dan u ah.

Dawladda Itoobiya ayaa durba bilawday inay isticmaasho dekedda Berbera iyadoo amar ku bixisay in maraakiibta gargaarka sida ee taagan dekadda Jabuuti ay u wareegaayn magaalada Berbera si loo dedajiyo gurmadka abaaraha dalkaasi ka jira.

Sidoo kale dawladda Itoobiya ayaa gaadiid fara badan ka isticmaali doonta Somaliland taasoo fursado shaqo u abuuri karta muwaadiniin reer Somaliland ah.
Maadaama ay Itoobiya ku tiirsanayd dekadda Jabuuti ayaa heshiiskan dhexmaray labada waddan waxa uu keeni doonaa in isticmaalka Dekadda Berbera ee Itoobiya uu noqdo mid joogto bacdamaa ay dekadda Jabuuti ka yartahay dhigeeda Berbera.
Bilaha inagu soo aadaan ayaa la filayaa inay shixnado badan oo u socda dalka Itoobiya ay ku soo xidhaan dekedda Berbera, taasoo fure u noqon karta shaqo abuur hore leh oo ay muwaadiniintu helaan
Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...