Wakiilkii Hore Ee Luis Suarez Oo Weerar Culus Ku Qaaday Xiddiga Barcelona: “Dhibaato Maskaxeed Ayuu Qabaa, Waa Inuu Dhakhtar Dhimirka Daweeya U Tago, Waxaana Ka Hayaa Sir Aad U Culus.

Wakiilkii hore ee Luis Suarez ayaa daaha ka qaaday in xiddiga Bacelona uu la ildaran yahay dhibaato maskaxeed islamarkaana uu u baahan yahay inuu u tago dhakhaatiirta daweysa cudurada dhimirka.

Xiddigii hore ee Uruguay Daniel Fonseca oo 46 sanno jir ah ayaa sheegay inuu weeraryahanka ku leeyahay boqolkiiba 20 lacagtii lagu iibsaday sannadii 2006.

Waxaana uu weerar ku qaaday 29 jirkaan, isagoo u sheegay idaacada Uruguay ee 1010: “Waa beenaale, sababtoo ah waa canug qaba dhibaato maskaxeed, waa hubaal waan oganahay taas.

“Waana sababta uu u booqdo dhakhtar cilmi nafsiga ku takhasusay (Psychologist) laakiin kama uusan helin daawadii uu raadinayay.

“Waa inuu iska bedelo dhakhtarkiisa ama waa inuu arko taas bedelkeeda dhakhtar ku takhasusay daweynta cudurada dhimirka.

“Inaad wax tiriso waxaad u baahan tahay ugu yaraan labo farood, sababtoo ah wiilkaan ma yaqaano sida wax loo tiriyo.”

 

Colaada ka dhaxeysa ninkaan iyo Suarez ayaa dhalatay markii uu xiddiga reer Uruguay ka soo wareegayay kooxda Nacional oo uu ku biirayay kooxda reer Holland ee Groningen sannadii 2006.

Waxaana wakiilkiisa hore oo u soo ciyaaray Napoli, Roma iyo Juventus uu sidoo kale sheegay inuu sir aad u xun ka hayo Suarez.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Maalin ayaa seddex saaxiibo oo kooxda da’ yarta ah ay i soo waceen, waxaana ay ii sheegeen in wax aan fiicneyn ay ku dhacayaan Luis.

“Waxaan ku qasbanaa inaan u sheego isaga waxa aadka u xun ee ku dhacay, ilaa iyo maalinta aan ka dhimanayana ma sheegayo waxa ay aheyd. Waxa ay aheyd wax xaqiiqo ah laakiin laga jiriricoodo. Waa uu diiday inay waxaas ku dhaceen markaan u sheegnay, ma uusan aqbalin.

“Waxaan doorbidi lahaa inaan heysto saaxiibo runta ii sheegay halkii ay been ii sheegi lahaayeen. Sidaasi darteed waxaan doonayaa inuu runta sheego iyo wixii ku dhacay oo uusan magaceyga wasakheynin.

“Haddii uu geesi yahay waa uu sheegi doonaa waxaas aan fiicneyn ee ku dhacay. Waana sababta rasmiga ah ee uusan u jecleyn inuu u hadlo, islamarkaana uu isku qarinayay muddo lix sannadood ah.”

Comments

comments