Maayarka Caasimadda Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa shalay xilkii ka qaaday isla markaana xabsiga dhigay Aadan Cabdi Xarriir (Aadan Digir) oo ka mid ahaa Agaasimayaasha waaxyaha ugu muhiimsan Dawladda Hoose ee Hargeysa, kaasoo la sheegay in uu ka horyimi dhul uu Maayarku hore u siiyey oo uu sharcigii ugu dhamaystiray oo uu hadana qof kale ka soo daba siiyey, kaasoo markii uu Aadan Digir ogaaday iyaga oo Seesanaya uu Maxkamadda Dacwad ka dhan ah u gaystay isla markaana Maxkamaddu Xayiraad u soo saartay.
Maayar Soltelco ayaa xidhay Sarkaalkaas markii hore hase yeeshee waxa uu soo daayey markii ay dhex galeen Odayaal, balse waxa uu dib u xidhay doraad kadib markii warbaahinta qaarkeed qortay sababta uu u xidhay, arrintaas oo hadana Maayarka markii danbe sii cadho galisay isla markaana ku kaliftay in uu shalay isagoo xidhan xilka ka qaado, sara-joogana kaga wareejiyo, isagoo isla saacadiiba u gudbiyey ciidanka Danbi Baadhista si uga noqdo go’aanka uu ku diiday dhulkiisa dadka kale la siinayo.
Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa la sheegay inay Maayarka ka dalbatay in uu jawaab celin ka soo sameeyo Dacwada ka dhanka ah ee ay ku xayireen dhulka uu labada jeer dad kala duwan siiyey, hase yeeshee illaa hada warbaahintu may helin jawaabta uu Maayarku ka bixiyey Dacwadaasi.
Maayar Soltelco ayaa Masuulkaasi muddo ka badan afar iyo labaatan saac mar na ku haystay Saldhiga Dawladda Hoose ee uu maamulo imikana ku haya xarunta Danbi baadhista iyadoo Dacwada Masuulkaasi ka gudbiyey ee Maxkamadda hortaalana uu ka war wareegayo.
Lama garanayo talaabada ay Maxkamaddu ka qaadan doonto kIiskan uu Maayarku dhinaca ka yahay, maadaama uu ninkii uga soo dacwooday awoodiisa ku xidhay isagoon wax Danbi ah oo uu ka galay aanay jirin. Illaa hadana wax hadal ah oo ay ka soo baxay qareenka u doodaya Aadan Digir ma jirto, wallow la filayo inay saxaafadda la hadlaan.