Somalia: Gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM oo ku gubtay Isgooyska KM4 ee magaalada Muqdisho

Gaari ah kuwa gaashaaman oo ay leeyihiin ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa goor dhaw oo maanta waxaa uu dab ku qabsaday Isgooyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada booliiska dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo G/sare Maxmed Daahir Cabdulle ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in gaariga ay ka dhalatay Maaso sida uu hadalka u dhigay taasoo keentay in uu dab ka kaco.

Marka laga soo tago hadalka sarkaalkan ka tirsan ciidamada booliiska ma jirto cid kale oo wali ka hadashay sababaha rasmiga ah ee dabkan qabsaday gaariga dhaliyay, waxaana soconaya gurmad la doonayo lagu damiyo

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

Comments

comments