Somaliland: Laanta Socdaalka oo lixdan ka tirsan shaqaalaheeda aan Mushahar siin dhawr bilood

Laanta Socdaalka Somaliland ayaan muddo dhawr bilood ah aan wax mushahar ah siini qaar ka tirsan shaqaalaheeda, kuwaas oo la sheegayo inaanay illaa hada ahayn shaqaale ku jira liiska mushaharka shaqaalaha.

Shaqaalahan oo gaadhaya in ka badan konton dhalinyaro ah ayaa la sheegayaa in uu shaqada qoray Taliyihii hore ee Laantaasi, iyadoo waliba xogaha soo baxayaa ay sheegayaa in shaqaalahaasi yihiin kuwo loo baahan yahay oo u badan dhalinyaro.

Shaqaalahan ayaa lagu maarayn jiray mushaharkooda Dakhliga soo gala Laantaasi, balse tan iy markii dhawaan la bedelay Taliyihii hore waxay ku dhaceen mushahar la’aan, maadaama aanu Taliyaha cusub wali la qabsan ama aanu haynin meel uu ka furdaamiyo mushaharkooda.

Muranka ku gedaaman mushaharka shaqaalahan ayaa loo gudbiyey wasaaradda arrimaha gudaha oo ay hoos tagto laanta Socdaalku, hase yeeshee illaa hada wax mushahar ah wasaaraddu na may siinin shaqaalahan.

Laanta Socdaalka oo ka mid ah Hay’addaha Halbawlaha u ah arrimaha Socdaalka oo xilligana ah meel xaasaasi ah ayaa haddii aan go’aan laga gaadhin mushahar la’aanta shaqaalaheedan ku keeni doonta habacsanaan iyo maamul xumo.

Comments

comments