Somaliland: “Madaxweynuhu Maanta Murashax Maaha, Oo Wuxuu Siidhigga U Hayaa Sadexda Xisbi”

????????????????????????????????????

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah, xildhibaanadda xisbiga Ucid ugu jira aqalka golaha wakiiladda Somaliland, ayaa ka hadlay khilaafka cakiran ee ka dhex jira masuuliyiinta ugu sarraysay xisbigaa. Islamarkaana wuxuu sheegay in khilaafka lagu dhameeyo nidaamka u yaalla xisbiga.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi“Haddii garsoorka laga cararo, waa ayaandarro, anigoo Ucid badhtankeeda jooga waxaan leeyay, haybadda iyo sharaftu waxay ku jirtaa in habraaca la isku raacayo ee khilaafka lagu furdaaminayo uu ku salaysnaada, kaa nidaamka xisbiyada u yaalla iyo nidaamka ay Ucid leedahay, ka hortagi maayo cidaasa gardaran, cidaasa gar leh, xiligay arrintaasi dhacaysanna lagama hor dagayo, waqtigeeda la sugayaa. Sidoo kale, Maxamed Faarax Qabille wuxuu sheegay in dhaawaca soo gaadhay xisbiga Ucid uu halkii ugu saraysay marayo “Dhaawaca Ucid ku yimi halkii ugu saraysay ayuu gaadhay, waa xisbi qaran, maxaa la gudboon?. Labadda xisbi qaran ee kale, waxa la gudboon waa saddex dhardhaar, iyaga hal baan leeyayo, dadka la kala shukaansadda, laakiin idiinku idinkoo gacmaha is-haysta  oo tartan xalaal ah ku tartamayaa, hawlaha dhaawacyaddan ka wadda qaybgallaa ayaa qurux badan, wali maan arag sawirkiina oo meel kuwadda yaalla.”Ayuu yidhi Qabille

Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille wuxuu sheegay in aanay muuqan doorka waayeelnimo ee xisbiyadda qaranka uu ku leeyay“Madaxweynahanna hal baan leeyay oo waa u wadda madax xisbiyadda qaranka, golayaasha iyo dhammaan nidaamka haykalka dawladnimo ee Somaliland, madaxweynuhu maanta murashax maaha oo wuxuu siidhigga u hayaa sadexda xisbi, qaybtii waayeelnimo ee uu ku leeyay wali may muuqan.” Ayuu yidhi Maxamed faarax Qabille

Comments

comments