Somaliland: Somaliland Oo La Sheegay Inay Qabanqaabinayso Aqoonsiga Taiwan

Date:

Sida Lagu daabacay wargeyska taiwan times oo ka soo baxa wadanka taiwan madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa faray dad la aaminay oo aad ugu dhow, inay sahmiyaan jidad lagu sii xoojinayo xidhiidhka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Taiwan iyo inay sahmiyaan suurtagalnimada is-aqoonsi laba dhinac ah waa Taiwan iyo Somaliland.

Ila-xogogaal ah, oo la hadlay mareegta Online-ka laga akhristo ee Somaliland Chronicle, taasi oo ay soo xigatay ‘’The taiwan times’’, ayaa sheegtay in madaxwayne Biixi amray si dhow u dersidda sharci uu meel-mariyay Congress-ka Maraykanku, sharcigaasi oo layidhaa ‘’TAIPEI Act’’, isla markaana uu madaxwaynuhu amray in si degdeg ah loo siiyo talooyinka iyo falanqaynta khataraha aqoonsiga Taiwan.

Iyagoo jawaab uga dhigaya siyaasadda sida cadaawadda ku dhisan ee Shiinuhu adeegsado si uu uga ilaaliyo dalalka kale inay aqoonsadaan, ama xidhiidh diblumaasiyadeed la samaystaan Taiwan, Congress-ka Maraykanku waxay si wadajir ah u meel-mariyeen ‘’ shaciga Taiwan Allies International Protection and Enhancement Initiative’’ ama TAIPEI Act, bishii March 26, 2020.

Sharcigaasi TAIPEI Act ee uu meel-mariyay Congress-ka Maraykanku, ayaa u ogolaanaya Maraykanka iyo dalalka kale, inay ballaadhiyaan xidhiidhada ganacsi ee kala dhexeeya Taiwan.

Bilowgii golaha aminga qaranka ee aqalka cad, wuu ammaanay xidhiidha Taipei iyo Hargeysa bilowgii bishii July sannadkan 2020.

Iyadoo Somalilandna ay guulo dublumaasiyadeed ku durugtay sida ay sheegtay mareegta The Taiwan Times., mareegta Taiwan Times waxay sheegtay, in dalalka Itoobiya iyo Masar ay ku tartamayaan xidhiidh dhow oo ay la yeeshaan Somaliland.

Mareegta Taiwan Times waxay sheegtay in danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya uu yimi Hargeysa markii saddexaad sannadkan, balse sida laga soo xigtay bay tidhi ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay madaxwayne Biixi oo diiday la kulanka danjiraha Shiinaha, kaas oo Hargeysa kusii nagaaday.

Mareegta Taiwan Times waxay sheegtay, inaanay kala caddayn in socdaalka u dambeeya ee danjiraha Shiinuhu Hargeysa ku yimi la xidhiidho aqoonsiga ay Somaliland rabto inay aqoonsato Taiwan.

Hore ayay Somaliland ugu gacan-saydhay dalab uga yimi dawladda Shiinaha, kaas oo ahaa inay xidhiidhka u jarto Taiwan.

Wargeyska The Taiwan Times oo kasoo baxa dalkaasi wuxuu sheegay, inaanay kala caddayn cidda u ogolaatay sida uu danjiraha Shiinaha Soomaaliya u fadhiyaa ugu noqday Somaliland, kadib qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia, kaas oo uu Shiinuhu ku adkaystay xafidnaanta madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Wargeesku wuxuu sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya ay dhawaan gaadheen heshiis, kaasi oo ay ku roondaynayaan biyaha Somaliland.

Gebagabada qoraalka uu daabacay wargeeska ‘’The Taiwan Times’’ ayaa lagu yidhi: ‘’hadda 15 dal oo caalamka oo dhan ku yaalla ayaa aqoonsan Taiwan, kadib Eswatini, Somaliland waxay noqon doontaa dalka labaad ee Afrika ku yaalla ee si rasmi ah u aqoosada Taiwan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...