Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Iyo Safarka U Kuurgalka Xaallada Abaarta

Date:

Madaxwaynaha Somaliland Siilaanyo Oo Soo Gaadhay Borama Una Sii Gudbay Deegaanka Degmada Qulujeed Si uu u soo Arko Dadka Abaartu Ku Habsatay

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shalay socdaal ugu baxay Gobolada galbeedka Somaliland ee Abaaruhu saameeyeen.

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa gaadhay deegaanka Qulijeed oo ka mid ah meelaha ay sida xun u saamaysay abaarta baahsan ee ka jirta dalka.

Ujeedka socdaalka Madaxweyne Siilaanyo ayaa ah sidii uu madaxweynuhu ugu kuur geli lahaa xaaladda qalafsan ee ka jirta deegaamada galbeedka Gobolka Awdal oo si ba’an abaartu ugu dhufatay,  halkaas oo ay ka jirto abaar dad iyo Duunyaba saamaysay.

Ugu horren waxa halka shacabka kala hadlay Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, wasiirka duulista iyo Hawda Somaliland Cumar Sh. Maxamed Faarax, wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi

Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax“Aadna waanu ugu mahadnaqaynaa, wasaaradda xanaanadda xoolaha iyo dhammaan xukuumadda iyo haddii ay tahay adigoo ajiibay baaqayagii gurmadkii degdega ahaa, oo waliba gobolku gaarka kaga ahaa.”

Cumar Sh. Maxamed Faarax “Madaxweyne anigoo ku hadlaya afka wasiiradda gobolka ka soo jeeda aad iyo aad baan adiga iyo weftigaaga ugu mahadnaqaynaa iyo waxtarka badan ee balaadhan ee mudadan ku socday gobolka Awdal .”ayuu yidhi Cumar Sh. Maxamed Faarax

Maxamuud Xaashi Cabdi “Runtii waanu ka damqaynaynaa duruufta iyo dareenka dadkan ka muuqadda, waxaynu nahay qaran curdin ah, dhaqaale guun ah aan layn, ilaahay ayuunbaa ina kaafiyi karra. Madaxweynuhu amar buu siiyay xukuumadda iyo dawladda in gurmad la gallo, sidoo kale gudi buu aas-aasay, waxaanu u mahadnaqayna gudidii madaxweynuhu xaaladda abaaraha u magacaabay, shaqo badan bay qabteen.”Ayuu yidhi Maxamuud Xaashi Cabdi

Dhinaca kale, Ugaaska Guud ee beelaha dega goboladda galbeedka Somaliland, ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble, Ugaas Doodi oo halka ka hadlay wuxu u duceeyay shacabka reer Somaliland “Aad baad u mahadsantihiin, aniguna waxaan ilaahay ka baryayaa, inuu ilaahay mustaqbalkeenna hagaajiyo oo midnimo ina siiyo, kalgacayl ilaahay ina siiyo, ilaahay abaaraha ha inaga soo jabiyo.”ayuu yidhi Ugaas Cabdirashiid

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo halka ka hadlay ugu dambayntii ayaa si wayn uga mahadceliyay soo dhawaynta milgaha leh “Reer Qori-jeed aad iyo aad baan idiinku mahdinaynaa, sida qiimaha iyo qaayaha leh ee aad noo soo dhawayseen, waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu caafimaad iyo bashbash ina siiyo, ilaahay inuu abaarta inaga kor qaado dalkeenna ku habsatay, ilaahay waxayn ka baryaynaa in ilaahay dadkeenna dhibaatadda ka korqaado, meesha aynu joogno waynu isku damqanaynaa, dalka wuxuu xal inaga saaranyahay in aynu xogteena hello, in aanu dunida ugu baaqno, wixii aanu u qaban karaynayna aanu u qabanno, waxaynu doonayna in aynu adkaysi yeellano ilaahayna barinno, iskunna kaashanno, waddajirna aynu kaga baxno abaaraha iyo dhibaatooyinka inagu soo baxsadda.”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Dadkaa tabaalaysan ee madaxweynuhu booqday ayaa dareenkooda muujiyey ugana mahadnaqay madaxweynaha dedaalka uu la barbartaagan yahay iyo socdaalka uu ugu yimid oo ay sheegen inay u tahay dhiirigelin, maantana ay dareemayaan farxad madaama oo madaxweynihii dalku la joogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...