Djibouti: Weriyaal Ka Tirsan BBC da Oo Laga Mustaafuriyey Dalka Djibouti

Dowlada Jabuti ayaa xabsiga u taxaabtay koox weriyaal ah oo ka socotay BBCda iyagoo xidhnaa muddo 16 saacadood ah kadibna laga musaafuriyay wadanka jabuti oo afar maalmood kadib ay ka dhacayso doorasho.

 

Mas’uuliyiinta BBCda ayaa qoraal ay ku weydiisanayaan xukuumada Jabuti sababta loo soo eryay saxafiyiintooda u qortay.

Weriyaasha ka socday BBCda oo aan la sheegin tiradooda ayaa u tegey dalka Jabuti inay ka soo warbixiyaan doorashada lagu wado inay ka dhacayso 8da bisha April 2016.

Weriyaasha ka tirsn BBcda ee laga soo eryay dalka Jabuti ayaa la xidhey kadib markii ay wareysi la yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibada iyo musharaxa mucaaradka.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowlada Jabuti ee ku saabsan arrinka saxafiyiinta.

Saxafiyiinta ka socotay BBCda ayaa waxaa ka mid ah wakiilka arrimaha ammaanka ee qaarada Afrika Tomi Oladipo, waxayna haysteen oggolaansho ah inay ka howlgali karaan dalka Jabuti.

Sida lagu daabacay bogga BBC.com Ururka Saxafiyiinta Aan Xuduuda Lahayn ayaa ku tilmaamay dalka Jabuti uusan ku wanaagsanayn la dhaqanka saxafiyiinta.

Ururka ayaa ku qoray meel ku dhow halka ugu hooseysa oo ah lambarka 170aad dalal gaaraya 180 oo ah heerka la dhaqanka saxafiyiinta.

Comments

comments