Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Degmada Taleex Mr. , ayaa kormeer ku soo maray tuullooyinka Tuka-raq, God-qaboobe iyo Buuro-wadal oo dhowaan maleeshiyaadka Puntland dhul balaadhsi ka waday, qiyaastiina 30 KM u jirta caasimada Puntland ee Garoowe.
Kormeerka Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Guutada Taleex, oo fadhigeedu yahay degmada Xadhin ee Gobolka Xaysimo oo ujeedadiisu ahayd xog-ogaal u noqoshada xiisada ka soo cusboonaatay deegaanka Bixin iyo Waa woo hoos yimaada tuulada Buuro-wadal ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey dhammaan kormeerka sarkaalkaasi ku tagay.
Taliyaha Ciidanka Qaranka Guutada Talleex ayaa sheegay in deegaamo gaadhaya ilaa 30 KM lagu soo xadgudbay, loona baahan yahay xukuumadda iyo mucaaridba in loo midoobo.
“Dalka dawlad baa ka jirta, dadka deegaamadan maamul baa loogu soo gabaday, shacab shacab waxba kama qaadi karo, maamul, maamul ayaa u jawaaba, hawlgalkiisana leh, waxaan ka codsanaynaa xukuumad iyo mucaaridba in laga hawl-galo,”ayuu yidhi Gaashaanle Cabdisalaan Yuusuf Muuse.
Taliyuhu waxa sheegay inay kormeer ku tageen deegaamada lagu soo xadgudbay shalay iyo doraad, loona baahan yahay in wada jir looga hawlgalo, waxaanu yidhi
“Deegaamada shalay iyo doraad waanu tagnay, shacabka deegaamaduna waa diyaar, waxa loo baahan yahay in wada jir looga hawl-galo.Tuulada Buuro-wadal iyo Garoowe waa 30 KM, annaguna waxaan ciidan u nahay inaan difaacno ciida Qaranka Somaliland iyo dawladeeda”.”
Dhinaca kale, shacabka deegaamada xuduudka Somaliland ee dhowaan maleeshiyaadka Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland ku soo xad gudbeen, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin kaalinta kaga beegan difaaca dhulka iyo xuduudaha Somaliland, waxaanay yidhaahdeen “Shacabka deegaamadan maamulka Puntland ku soo xad-gudbay waxay diyaar u yihiin inay inay kaalinta kaga beegan ka qaataan difaaca ciida iyo dhulka Somaliland.”
Dhinaca kale, Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Degmada Taleex ayaa sheegay in amaanka deegaanada la isku halayn karo, dadkuna diyaar u yihiin diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, waxaanu yidhi
“Sida horeba madaxda ciidanka Qaranka iyo shacabka deegaamadu u cadeeyeen, talaabada maamulka Puntland ugu soo xad-gudbeen deegaamo hoos yimaada gobolka Xaysimo, waa mid aan la aqbali karin.Guud ahaan Xukuumad iyo xisbiyada qaranka waxaan ugu baaqayaa in loo diyaar-garoobo difaaca xuduudaha Somaliland, isla markaana wax laga qabtaa baahiyaha adeegyadda bulshadda ee shacabka deegaanku dalbanayaan.”